Alshabab oo Xaley Duqeymo Ka Geytey Magalada Baydhabo

0
24

Duqeymo xaley ka dhacay magalada baydhabo ayaa waxaa ku dhintey Afar Qof waxaana ku dhaawacmey in ka badan 20 ruux kalena way ku dhaawacmeen

Afarta ruux ee dhinty ayaa Waxaa ku jiray ilmo yar; Waxayna dhammantood ahayeen dad Maato ah deggenaa Xaafadahaas la duqeeyay. Iyadoo dhaawacyadiina la dhigay isbitaalka Beydhabo, iyadoo ay ku jiraan dad dhaawacoodu aad daran yihiin, kuwaasoo haatan lagu caafimaadkooda lagula tacaalayo isbitaalka.

Maamulka shariif xasan ayaa Duqeyntii lagu qaaday xaafadaha ku yaalla Baydhaba dusha uga tuuray Al-shabaab oo dagaalo kula jirta DF Soomaaliya iyo ciidanka caawiya ee AMISOM.

Dhanka Kale, Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay in Al-shabaab ay ku qaadeen weerar Magaalada Baydhaba, gaar ahaan Xarumaha Maamulka iyo saldhigyada Ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin gudaha magaaladaas.