Wariyeyaasha Soomaalida oo ka cararaya hanjabaadda Al-Shabaab

0
44

Wariyeyaasha ka howl gala magaalada Muqdisho ayaa badankood la kulma tacaddiyo kala duwan oo uga imaanaya dhanka dowladda oo mararka qaar xirta suxufiyiinta iyo xarumahooda iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo dil iyo hanjabaad ay kala kulmaan.

Al-shabaab ayaanan raalli ka aheyn wararka ay tabinayaan suxufiyiinta, taasoo keenta in farriimo hanjabaad ah ay u diraan wariyeyaasha, iyagoo u sheegaya in ay dili doonaan haddii aysan joojin wararka ay faafinayaan.

Dilalka iyo hanjabaadda Al-Shabaab ayaa keentay in suxufiyiin badan ay u cararaan dalka Kenya iyo dalalka kale ee dariska ah, oo ay horey ugu sugnaayeen suxufiyiin kale oo dibad joog ah, kuwaasoo ka cararay isla dhibaatooyinka kajira Soomaaliya.

Cabdiqaadir Xuseen Maxamed oo in muddo ah ka tirsanaa idaacadda Goobjoog ayaa kamid ah wariyeyaashii ugu dambeeyay ee ka cararay hanjabaad ugu timid Al-Shabaab, isagoo u baxsaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wariye Cabdiqaadir Xuseen ayaa farriimo loogu hanjabayo in la dili doono kala kulmay kooxda Al-Shabaab, taasoo ku kalliftay inuu dhowr mar baddelo taleefankiisa gacanta, ugu dambeyna sababtay inuu ka cararo magaalada Muqdisho.

Wariyeyaal badan oo dhibaatooyin ay hanjabaad kamid tahay kala kulmay Alshabaab ayaa u cararay dalka Kenya iyo dalalka kale ee dariska ah kuwaasoo dibad joog ku ah halkaasi.

Suxufiyiinta Soomaalida ee kunool dalalka dariska ayaa dib u dejin ka codsada hay’adaha Qarammada Midoobay, gaar ahaan hay’adda UNHCR ee qaxootiga.

Sidoo kale hay’adaha Qarammada Midoobay iyo kuwa u dooda xuquuqda wariyeyaasha ayaa inbadan ka hadlay qataraha ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaalida ee ka howlgala gudaha dalka.