Dukaamo Ku Yaala Dalka Koonfur Africa oo Ay Maalmahan Bililiqo Ka Socoto

0
32

Tan iyo shalay ayaa waxaa socday boob lagu hayo dukaamo ay leeyihiin dad ajaaniib ah oo kunool dalkaasi Koonfur Afrika oo Soomalidu ay ka mid yihiin.

Weerarada boobka ah ayaa ka bilowday siyaasad ay isku hayaan darfo ka tirsan dadka reer Koofur Afrika.

Dukaamada la weeraray ayaa kuyaala nawaaxiga Pretoria oo ah magaalo madaxda Koofur Afrika.

Si kastaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horeysey oo ay dhacaan falal noocan oo kale ah taasoo marar badan sidan oo kale intey dukaamo usoo weeraraan xoolaha markey dhacaan kadibna dila dadkii mehradaha lahaa ayadoo ilkaa iyo hada ay ciidamada boliska wadankaasi ay wax ka qaban la yihiin.