Shir Looga Hadlaayo Arimaha Gargaarka iyo Waxbarashada oo Maanta Lagu Wado Inuu Ka Furmo Dalka Turkiga

0
46

Shirweynaha Caalamiga ah ee Arimaha Gargaarka ayaa maanta waxaa lagu wadaa inuu ka furmo Istanbul, Turkiga.

Shirkaas ayaa socon doona maanta oo dhan iyo beri waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu soo qaadi doonana waxaa kujira in si guud caalamku wax uga wada qabto caqabadaha hortaagan arimaha gargaarka.

Waxaa lagu wadaa in aad loogu lafa guro dib u xoojinta mabaadiida gargaarka, in la bilaabo qaaditaanka tillaabooyin u saamaxaya dalalka caalamka inay isu diyaariyaan kana soo kabtaan dhibaatooyin markii ay dhacaan si dagdag ah iyo sidii dhaqamada ugu wanaagsan ee amuuraha gargaarka loosii horumarin lahaa.

Waxaa kaloo wafuudu ka wada hadli doonaan sidii looga dhigi lahaa dhibbaneyaasha caalamka ahmiyada tillaaba kasta oo loo qaadayo dhanka bixinta gargaarka si dabadeed dhibaatooyinka haysta loo dhimo.