Shariif Xasan Iyo Maamulkiisa oo Go,aan Ku Gaarey Ineysan Ka hadlin Xasuuqa Iyo Boobka Ka Socda Gobolka Shabeelaha Hoose

1
19

Gobolka shabeelaha hoose ayaa waxaa ka taagan dhibaatooyin baaxad leh oo ay indhaha maamulka Shariif Xasan oo kolkuu fara maroogsanayey maamulkii 6da gobol dad badn ku beer laxawsadey hadii aysan taageerin maamulkiisa in la weyn doono gobolka shabeelaha hoose balse suaasha hada la is weydinayaa wexey tahay aawey gobolka shabeelaha hoose?

Tan iyo intii Shariif Xasan uu la wareegey maamulka 3da gobol ee uu ka arimiyo ayaa gobolka shabeelaha hoose waxaa si xowli ah ugu soo batey dhibaatooyinka ay geysanayaan kooxaha qaabka qabiiliga ah u shaqeeya ee ku labisan dareyska ciidanka dowlada isla markaana lagu magacaabo ciidanka xooga dalka somaliyeed.

Ciidamada iyo maamulkla sharfiis ayaa waxaa gobolka u yaala in ka badan 27 isbaaro oo qaarkod ay yaalaan inta u dhexeysa afgooye iyo buur hakaba inta kalana ay yaalaan afgooye iyo baraawe, Ciidamadan ayaa halkaas waxaa ay baad joogto ah uga qaataan shacabka ayagoo aan jirin cid ilaa iyo hada ka hor tagtey oo wax u sheegtey.

Shabeelaha hoose aya xaalkiisa noqdey mid u qeybsan ciidamo beeleedyo ku labisan dareyska dowlada, alshabab iyo maamulka shariif xasan oo marqaati ka ah waxa ka socda gobolka isagoo inta badanba go,aan ku gaarey in uusan ka hadlin xasuuqa ka socda gobolka oo ay geysanayaan kooxaha kasoo kicitamey gobolada dhexe ee dalka kaasoo kii ugu dambeeyey uu ka dhacay deegaano hoos taga degmada marka halkaas oo lagu diley isla markaana lagu gubey ayeeyo iyo 6 carrur.

Si kastoo loo dhigaba dhibaatooyinka ka taagan gobolka shabeelaha hoose ayaan xal loo heli doonin ilaa ay shacabka ku dhaqan gobolkaasi ay u istaagaan danahooda isku duubnina muujiyaan isla markaana ay runta u sheegaan kooxaha sheeganaya iney matalaan shacabka iyo deegaanada gobolka si loo helo xal waara.

1 COMMENT

  1. balaayo idinku dhacdo adinka ma caanaad qeybineysaa wa tan aad hurineysaa dabka aad leedihiin dadka soo duulay waxa soo duulay amison ee kasara mesha hadad run sheegeysaan beenaalayaal aya tihiin aniga besha hubeer baan ka dhashay ee kismaayo degaanka ku ah lkn cantara baqasgka ka daaya mesha wax socon ma ahan

Comments are closed.