Guuxa Dadweynaha..Shariif “Iyagaa ii Fatwooday inuu Kirkire Xalaal yahay Anna ….?!”

12
65

WAXWALBAIyagaa ii Fatwooday inuu Kirkire Xalaal yahay Anna ….Waa Guuxa maanta kasoo yeeraya maamulka Shariif iyo Shacabweynaha KoonfurGalbeed gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Shabeelaha hoose oo iyaga tan iyo horaantii Todobaatameeyada Qarnigii tagay la daalaa dhacayay Cadaalad daro ku aadan maamulka deegaankooda oo ay marwalba koox amaba qolo ay maroorsaneysay maamulkooda.

Sanadkii 1973 dii ayay ahayd markii gobol weynihii Banaadir loo kala qaaday sedex gobol isla markaana uu ka dhashay gobolka Shabeelaha hoose,Cidina wax iskama weydiin baahida keentay in goboladii dalka ee 8 da ahaa loo baahdo in 18 lagaarsiiyo balse waxaa hubaal ah inay jirtay sabab ku xunbaareysay maamulkii Milatariga ahaa ee Bare hogaanka u hayey inuu sidaa sameeyo.

Dadka u dhuun daloola arimaha Siyaasad Beeleedka Soomaalida ayaa iyagu qaba in Bare uu ahaa nin ay aad ugu weynayd Beeshiisa Daarood taasina ku xunbaartay inuu beesha Daarood u sameeyo gobolo si uu ugu yaraan u helaan tiro badan oo ay ku soo galaan siyaasada dalka ugana baaqsadaan(u hareer maraan) in tiro iyo tirakoob dad lagu qaybsado awooda maamulka dalka.

Arimahan iyo kuwo kale oo bulsho iyo dhaqaalaba leh oo isbiirsaday ayaa waxay sabab u noqdeen in gobolka Shabeelaha hoose uu noqdo mid ahaan gobolada dalka kan ugu badan ee saameynta ku yeesha hadba cida(Kooxda) caasimada ka talisa tusaale ahaana waxaa inoogaga filan Dowladii Milatariga ee Daaroodku hogaanka u hayay guud ahaa gobolka Shabeelaha hoose iyo degmooyinkiisuba waxaa gudoomiyeyaal ka ahaa shaqsiyaad kasoo jeeda beesha Daarood iyadoo sidoo kalena dhalintii Daarood ee kasoo hayaantay Baadiyaha dhulkoodana tababaro gaagaaban oo ay howl magaaleed ku bartaan loogaga furay magaalada Shalanbood barnaamijkaasina waxaa lagu magacaabi jiray Crash Program halka sanadkii 1974 tiina gobolka lagu soo daad gureeyay dad Daarood u badnaa oo laga keenay deegaanadooda iyadoo lagu qarinaayo wax loogu yeeray Abaartii Dabadheer balse qorshuhu ahaa in lagu deegaameeyo guud ahaan gobolka gaar ahaan Marka,Barawe,Sablaale, Kurtunwaareey iyo Dajuuma halka dhamaadkii dagaalkii Ogaadeenyana sanadkii 1979 kiina dib u dejin loogu sameeyay beesha Ogaadeen degmada Qoryooleey oo xirooyin loogaga ooday iyadoo sidoo kalkena beesha Mariixaan la dejiyay deegaanka Leego degmada Wanlaweyn horaantii 1984 tii waxaana intaa dheereed Beerihii Afgooye iyo Awdheegle u dhexeeyayna oo ay dad Daarood ah ku qaateen waxa loo yeeri jiray Barnaamijka U Jihaynta Beeraha.

Intan oo cadaalad daro ah oo maamulkii Bare ee beesha Daarood uu ku sameeyay dadka dega gobolka Shabeelaha hoose maalin cad ayuu ILLAAH iyagu ku rogay dhagartoodii kadib kolkii uu bilowday Kacdoonkii beesha Hawiye ee USC-da.

Hayeeshee mas’uuliyiintii hor boodaysay kacdoonka beesha Hawiye ma noqon kuwo fahamsan amaba fahmi karay waxa uu u dumay maamulkii beesha Daarood ee madaxweyne Bare horkacayay taa bedelkeeda waxay halkii kasii amba qaadeen cadaalad daradii iyo hamigii waalnaa ee ay Daaroodku ku dumeen waxayna bilaabeen Hawiyuhu inay boobaan Beerihii, Barakiciyaan dadkii,Dil,Dhac, Kufsi,Cabsigelin iyo Isbaaro isugu daraan dadkii reer Shabeelaha hoose halka maamulka gobolka iyo dhamaan degmooyinkana ay Gudoomiyayaal ka noqdeen shaqsiyaad Hawiye ah Habargidir haba u sii badnaatee.

Afar iyo Toban sano oo dulmi aan loo kala kicin habeen iyo maalin loona adeegsaday Maleeshiyo beeleed lagu maalgeliyay Maal lasoo dhacay iyo Maan laawayaal aan damiir lahayn oo deegaanka u dhashay oo ay ugu horeeyaan inta badan Salaadiinta gobolka dega in lagu caburiyay reer Shabeelaha hoose ka dib waxaa taladii dalka ILLAAH gacantooda ka bixiyay beesha Hawiye waxayna dib ugu noqotay gacantii beesha Daarood walow ay Shilin labadiisa dhinac yihiin hadana Daaroodka yimid siyaasad ahaan waxa uu ahaa mid la jaanqaadi karay wadciga iyo xaqiiqda dhulka taal iyadoo dhanka kalena uu hogaanka maamulkaas Marxuun Cabdulaahi Yuusuf uu baadi goob ugu jiray helida xulifo uu ku burburiyo dulmiga Hawiye taasina waxay sababtay inuu gobolka markii ugu horeysay sanadkii 2004 uu yeesho gudoomiye gobol oo deegaanka kasoo jeedo sidoo kalena Sideeda degmo ee gobolka inay hogaankooda qabtaan beelaha deegaanka taasi oo ay u ahayd reer Shabeelaha hoose bilow wanaagsan balse ayan ka faa’iidaysan wakhtiga maadaama hogaamadooda dhaqanku yihiin kuwo deegaankooda ku bedeshay nabad inay ugu noolaadaan Muqdisho.

Ka faa’iidaysi la’aanta wakhtiga ee reer Shabeelaha hoose iyo iibka dhulka ay Salaadiintu ku iibsadeen nabad ay Muqdisho ku joogaan ayaa waxay keentay in qaab Dowladeed loogu bareero in markale lagu gumaysto iyadoo dowladii Hawiye ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay wadada u furtay maleeshiyadii Hawiye ee gobolka ku habsatay inay qaataan dharka ciidanka qalabka sida kadibna ay halkoodii kasii wataan nidaamkii looga bartay ee Isbaaro kama koraan iyadoo sidoo kalena nidaamkan uu sii amba qaaday Madaxweyne Xasan Shiikh.

Si kasta oo ay labadan beelood ee Hawiye iyo Daarood ay dadaal badani ugu bixiyeen caburinta dadka gobolka Shabeelaha hoose hadana ma noqon dhagartooda mid mira dhal ahoo meel marta dadka Shabeelaha hoosena waxay noqdeen dad aan falka labadan beelood ku niyadjabin oo hal heeskoodaa noqday inay maalin u bixi doonaan Xoriyad iyo weliba Cadaalad ayna iyagu is maamuli doonaan.

Waxay ahayd fursad aad u qiima badan in guud ahaan Soomaalidu ay ku heshiiso in nidaamka dalka uu noqdo Fedraal kaasi oo dadka ku nool gobolka Shabeelaha hoose ay ku taamayeen in la gaari doono maalin in kabadan Nus Qarni,Isqab-qabsi iyo xarig jiid siyaasadeed ka dib waxaa dhismay maamul goboleed ay reer Shabeelaha hoose kula midoobaan walaalahooda reer Baay iyo Bakool taasina waxay horseeday in muuqaal bidhaamaya ay yeelato rajadii ay qabeen reer Shabeelaha hoose ee ahayd in maamulkooda uu gacantooda soo galo lagana saaro gacanta Hawiye ee Villa Soomaaliya.

Ha yeeshee”Dhedo Roob noqon weyday” Rajadiina run noqon weyday kadib kolkii Qandaraasle Shariif Sakiin uu dhulka gobolka Shabeelaha hoose uu Qandaraas kaga soo qaatay beelaha Hawiye.

Waxa uu kusoo takri falay dhamaan wixii gacantiisa ku jiray ee Baydhabo yaalay(Gole Wasiir,Saraakiil Ciidan,Xoghayayaal,Hay’ado samafal iyo…..)Waxa uu dhaqanka(Salaadiinta) Shabeelaha hoose ku qabsaday inay wax kasiiyaan Xildhibaanada gobolka qaybta uga helay Baarlamaanka KoonfurGalbeed si uu u siiyo Qandaraas bixiyayaasha beesha Hawiye ee Shanta Sharwade,Waxa uu ku dhawaaqay maamulka degmooyinka Marka iyo Afgooye oo qabyo ah ayna ka qayb yihiin danbiilayaashii gobolka sida Gafanaha(Shillinta) u dhuuqayay in ka badan Rubac Qarni.

Hadaba Shariif inuu maanta ku dhiirado inuu maamulka gobolku uu dhexkeeno Kirkirayaal ma isagay ka timid mise meel kale?ayaa Guuxa waxa uu dhex dhigay bulshada erayadan uu ku dooday maamulka Shariif “Iyagaa ii Fatwooday inuu Kirkire Xalaal yahay Anna waan u magacaabay oo maamulkaan ugu daray….?!”

Waa kuwan dhalinyaro reer Afgooye ahaa oo sugayay baabuur ay Afgooye usii raacaan kadib kolkii ay kasoo baxeen Imtixaan lasheegay in Rubac Qarni ka dib Hawiyuhu(Dowlada) ka qaadeen ardada dhamaysatay waxbarashada dugsiga Sare.

Arday u muuqday inuu aad uga xunyahay waxa ka dhacaya deegaankiisa isla markaana saluugsanaan aad u weyn muujiyay ayaa yiri”Wuxuu inoo dhalay waa waxaan ka sugaynay sidaas oo ay tahay hadana war laqabo xiiso ma lehee….Ma aragteen imtixaanka sida uu u fududaa….Maxaa looga danlahaa talow? War Imtixaan lahaynine Afgooyada aad ku socoto xaalkeedaan haynaaye horta Shariif Sakiin maxaa ka khaldan? ayaa arday kale yiri halka gabar aamuusnaan weheshanaysayna tiri”Shariif ma khaldana mana xuma laakiin waxaan idiin sheegaayaa waxa xun oo aadka u xun inay yihiin Salaadiinta beelaha gobolka siiba keena oo ogolaaday in maamulkeena uu Shariif inoo dhiso isagoo og inuu Qandaraas ka soo qaatay Hawiye….Marka maxaad Sakiin ku eedaysaan?”Waa runtaa Walaahi”ayaa darawalkii yiri xili uu gaariga joojiyay Isbaaro ciidamada qalabka sida ay canshuur ku qaadaan(Maleeshiyada Hawiye oo Tuuto gashan Leejana Qaada).

Waa masiibooyin isbiirsaday oo nin walba diidaaya inuu mas’uuliyadiisa qaato hadana uu rabo inuu mas’uuliyad sheegto oo layiraahdo mas’uul hebel!

Beesha BiyoMaal waa ay kabiya diideen inuu Kirkire carada Daahirka ahee magaalada Marka ka dowladeeyo sow ma ahan ayaa nin u muuqday tuulo joog ku yiri nin Baaskiil uu watay ku tiirinayay geed,Inta uu soo jeestay ayuu ku yiri ma waanay xaq u lahayn inay Kirkire ileen waaba xaaraane ay u diidaan Caradooda Daahirka ah? Maya…Maya…Maya maka wado oo u jeedkayga ma ahan maxay BiyoMaal u diideen Kirkire ee Beesheena Geledi KirKiruhu ma u Xalaalbaa?ayuu dib ugu celiyay,Ma fahmin warkaaga oo maxaad ka wadaa?BiyoMaal waxaa lasiiyay waxoo dhan labo Kirkirana waa loogu daray waxay yireen Maya Kirkire waxayna ku dhaarteen walow xitaa urtiisa inay gobolka ka urinkarin joogis la arkaayo warkeedaba daa!,Anaga reer Geledi Shan Kirkire iyo labo deegaan ayaan ku maqsuudnay marka Kirkiruhu Saldanada miyaa nooga Fatwootay oo inoo xalaalaysaan ka wadaa? oo xageena reer Geledi Kirkire waa inoo xalaal sow ma ahan ayaa Tuulo joogii yiri,Aamus shub dheh Afka yow ku qaloocan Suldaanka waa ku maqlooyaa oo isaga wax walba waa maqlaa xitaa hadaw hurdo ee yow ku maqlin oo waliba yaw ku inkaarin!ayuu yiri isagoo aad u muujinaayo inuu saaxiibkiis khatar badan ugu jiro inuu suldaanku habaaro?.

Kol hadii Guuxa shacabka kasoo yeerayo uu kan yahay Salaadiinteenuna ay Kirkire Xalaalnimo u Fatwoonayaan Foosha Shariif waxay inoo dhashaba sow maqsuud kuma nihin xitaa hadayan Labayn amaba ayan dhedigayn?!!!

Waxaa Qoray

Abdiaziz ShSalah.

Waa inoo Talaadada danbe hadii ALLAH laga helo.

12 COMMENTS

  1. Nacas nacas dhalay mahadaad tiri dhulkeenii awoowaheen idinkaa leh
    waa calaacasha oo timo kasoo boxo in aad qaadatasn shabeelada hoose shariif dan baa ugu jirto.laakiin waxaa lagaari maalin vote uu dhici dooni hala idin arko badnaantiina maalintaas
    ilaah nabad ha igu tuso minority sax ayaad noqonaysaan.anigu waxaan ku dhashey tixsiile oo hoostimaada afgooye
    waxaan hawiye aheen ma arag.

  2. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Guuxa maanta waxaan ku fahamney dhibta iyo rafaadka,cadaalad darada iyo dulmiga haysta shacabka shabeelaha hoose in ay masuul ka yihiin Salaadiinta gaar ahaan suldaanka Beesha GELEDI inta ka dib waxaan rabaa in aan idin xasuusiyo tariikhda Geledi(goob u roone hadii uu maanta duminaayo goobtii waa in ay gelidi ka tashataa ay magacawdaan mid ka danqanaayo dalka iyo dadka una horseedaayo xornimo iyo horumar)

  3. Fircoon Buube adi iyo Fircoon Warsame waad eedi doontaan iibsiga aad kuheysaan Gobalka Sh/Hoose, Wallaahi waad eedi doontaan markale ayaan kugu celinayaa!!!

  4. Walaahi waa arin layaab leh beesha galadi waxayba istaagantahay Gudoomiyihii uni fadaayne jayni ma aragnee? war Gudoomiye gadaashiisa kirkiri buuxaaan maxuu Qaban karaa teeda ma beesha galadi 1 xubin Afgoye kuleh say wax ujiraan xildhibaanada masuuliyiinta koonfur galbeet ee afgoye kasoo jeeda oo ilaa hada hadlin waa arin aad ufool xun markaad guntahay ayaa laguu gargaarayaa ilaa hada beesha Galadi war lagama haayo Maamulkan hada Dadaal shariif sakin ku dhawaaqayna mahan mid jiri doono ee dadaw kaca halayska celiyo Dhul boobka Hawiye ay adeegsanayaan dalaalka ween ay fadwoodeen Oday isku sheegyada reer Shabeelada Hoose.

  5. Wallaahi wahaan layaabanahay Website kaan Daafeed, maalinkasta waa aaytamoohaayaa, mahaa qaadi kartaan wahkasta oo laga sameeyo Shabeelaha Hose, iska aaytama intaas maka badin weyseen, hattaa Wanlaween ayaan u maga,aabaa, ma,alin jeesna waan idiin ma,aabey

  6. Scw maasha allaah.runtii waxaad bixisay faah faahin aad umacaan badan woo aasdabaalhataa fahmikaro

  7. waan aqaan Tixsiile waxaa uu ka koobanyahay 20 Buush, qeybta ugu badanna waaba lagu Habsadey, oo waa dhul Geledi, lkn ogow Khadra Biyo-Cade Soomaalidu waa istaqaan adoo kayimid Biyocade iyo Masaajid Cali Gaduud ha sheegan Tixsiile, Lama-God-le waaxid, waana ku aqaan waxaad aheyd Biyo Daadiska Maleeshiyada Mudulood oo hadda nafla caariga ah, waqti dhowna sida Qoryooley, Janaale iyo Awdheegle ayaan uga sifeyn doonnaa..!!
    Mooryaantii dhoof kutimidbaa Geeridu dhibeysaaa…

  8. aad iyo aad ayaan uga heley qoraalkan xaqiiqda ku saleeysan dadkeena indhaha ha furaan walaalkena maqalkan qorey aad ayuu ugu mahadsan yahay

  9. Shariif Sakiin waxuu Magacaabay nin layirahdo Macalin Jiis oo Nolosha ka dhacay ayagoo dhamaan Bulshada qaybaheeda Kala Duwan ee reer Shanta Caleemoot Diidanyihiin waxuuna udoortay aytahay kaba Qadnimada Asagaoo arkaaya rag kafiican oo aqoon leh oo ay kujiraan Beesha Barbaare ee Beelaha waa wayn ee Shanta Caleemoot, Macaliin Jiis waxuu gor gortan Lagalay Niman Abgaal ah anigaa shariif idin gaynaayo Maamulka Daafeet idinku daraayo ee adinkana kor ii qaada dhaqaale isiiya beeshayda waa iga soo horjeedaa marka Macalin jiis waxuu gadi rabaa booskii Gudoomiye Ku xigeen ay Beesha Barbaare ku lahayt Maamulka Degmada, fadalan Beesha Barbaare haka feejignaato arintaas.

  10. Waxan sugnaa waa maamulka degmada wanlaweyn xilkii aan k lehen
    hawiye waa inuu helaa gudomiye ama gudomiye ku xigeen waa degan keyka adeer
    ceelasha xawocabdi lafoole carbiska laantabuuro tixsiile warmaxn doonka tobonkabuundo goddofaar doonka leego dhanaane baladdoogle moosaaley ilaa deexdajaziira
    afgooyewacdaan

  11. Hadalka Shariif waa runtiis maxaa yeelay waxaa laga digay in ladooran Shariif oo lawada yaqaan waxaa ugu horeeyay Beesha Biimaal oo tiri Ciidan ethipian ah ayuu inoo keenayaa Siinka dheer ayaan ufadhiisanaynaa kooxda dhulboobkana meesha waa ka baxee, war maa joogtiin saas maahan Shariif sakiin anagaa idinka naqaan maya ayay dhaheen waa ay doorteen . Munaafaq Buube iyo Qaain warsamane oo oday dhaqameedyada Beesha Bagadi iyo Galadi oo ayagana Dalaalnimo ku taqasusay ayaa ayagana laga Kari waayay inay fatwwodaan Shariif Qasaaro oo yiri ninkaan ayaa nasamata bixinaayo 10 kun ciidan ayuu Shabeelada Hoose keenaa ee aan ufatwoono Marka fatwadii waxay dhashay kuwii shalay Shariif Qaain laga celinaayay inay maanta dhahaan waa waray nasoo gaara waa gooray Mindida uuska tagtay walee Shariifkan ayaa moogtihiin marka reer Shabeelada Hoose oo Qaaimiinta iska Qaban wax ugaagaayo majiraan.

Comments are closed.