Dastuurka Maamulka uu Yeelan Doono Gobolada Dhexe oo La Meel Mariyey

1
19

cadadoErgada ka Qayb-galaysa kulanka lagu dhisayo Maamulka Gobollada Dhexe ee ka socda Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud ayaa goor-dhow si rasmi ah u Meel-mariyay Dastuurka uu yeelanayo Maamulka loo Sameynayo Gobollada Mudug iyo Galguduud.

Dastuurka ayaa waxaa Codka Kalsoonida ah siiyay 310-ergo oo ka mid ah 351 ergo oo ka mid ah ergadii kulanka goob-joogga ka ahaa kulanka, iyadoo ay diideen 12 ka mid ahnaa ergooyinka, halka ay ka aamuseen 29-xubnood.

Meel-marinta Dastuurkan kaddib ayaa waxaa ka Warbixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) in dastuurkan noqon doono mid lagu maamuli doono maamulka cusub ee Galguduud iyo Mudug.

Odawaa ayaa intaas ku daray in Shirka uu ka Gudbey Marxaladdii labaad, uuna u gudbayo wajigii saddexaad oo lagu soo xulo Xildhibaanada Baarlamaanka uu yeelanayo Maamulka Cusub ee Gobollada Dhexe.

1 COMMENT

  1. Masha allah waa guul usoo hoyotay beesha hawiye
    beesha waxa laka sukaa laba dowlad goboleed iyo caasimada ineey ayaka masuul kayihiin inta kalena qeebtii ay ka degaan waa inay xaqooda ka helaan
    wblh towfiq

Comments are closed.