Jaaliyadaha Dibada ee Kasoo Jeeda Shabeelaha hoose oo Kasoo Horjeestey Qaabka Loo Sameeyey Maamulka Degmada Marka Iyo Afgooye

4
34

shabelaha hooseKulan dhinaca telfoonada oo ay isugu yimaadeen Qurbo joogta kasoo jeeda gobolka shabeelaha hoose ayaa si cad kaga soo horjeestey maamulka uu shariif xasan shaley kaga dhawaaqey degmada afgooye kaasoo ahaa maamul loo magacaabey degmada marka iyo degmada afgooye.

Maamulkan cusub ee degmada Marka iyo afgooye loo magacaabay ayaa waxaa qeyb ka ah kooxihii dulaanka ku ahaa gobolka shabeele in mudo ahna ku gumaadayey shacabka gobolka taasoo sida muuqata looga dhigey abaal marin in maamulka lagu soo daro.

Qurbo joogtan ayaa waxaa ay sheegeen in sida muuqada uu gobolkii shabeelaha hoose faraha kasii baxaayo taasoo ay masuuliyadiisa qaadi doonaan odey dhaqameedyada iyo shariif xasan maadaama ay labadoodaba ku hishiiyeen in gobolka uu noqdo gobol ay cid kasta leedahay gobolada kale ee dalkana uu noqdo gobolo dadkii lahaa ay leeyihiin.

Qurbo joogta ayaa waxaa ay shacabka gobolka shabeelaha hoose ugu baaqeen in ay u istaagaan xuquuqdooda kana hadlaan wixii dhib ah ee uu maamullka shariif ku hayo gobolkooda.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa ay fariin u direen hormuudka maamulka koonfur galbeed Shariif Xasan iyo odey dhaqameedyada kasoo jeeda gobolka shabeelaha hoose waxaana ay ugu baaqeen iney ka waantoobaan xaqdarada ay ka wadaan gobolka shabeelaha hoose deegaanka waxaa wax ku leh qofkii u dhashey dhamaan maamulada laga sameeyey dalka somaliya waxaa uu ku saleysan yahay u dhashey kuma saleysna ku dhashey iyo anaa qabsadey.

Si kastaba arintu ha ahaatee dhibaatadan aan dhamaadka laheyn ee heysata gobolka shabeelaha hoose ayaa ah mid mar hore soo bilaabatey maadaama dadka ku dhaqan gobolka shabeelaha hosse ay yihiin dad nabada jecel isla markaana ku fiican soo dhaweyn.

4 COMMENTS

  1. Asc Dhamaan Shacabka Shabeelada Hoose aniga waxaan orn lahaa talefan wax lga sheego majoogtee arintu qof walba oo qurbaha jooga qori maugadi karaa ina adeerkiis ugu dhaw mana askarayn karaa hadaan taas lahelin talefan wax maxlinayo iyo hadal aan ficil lahayn, Hadii lrabo in laga xuroobo kooxixii dhul boobka kuyimid waa in ladagalamaa oo kliyah xal kale oo anga arko majirto dadka deeganka hadaysan diyar u ahayn inay dhiigood iyo dhaqalahooda huraan haiska sabran ayaan leeyahay hana iska raaxaystaan hadi kale aan dagaalano tasoo ah xalka kaliyah ee shabeelada hoose uga bixi karto dhibta haysta.

  2. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Walaalayaalow war la sheego uma baahna dulmiga iyo cadaalad darada lagu haayo G/Sh/hoose,wxuu u baahan yahay halgan xurnimo doon ah gudaha iyo dibada,qof kasto oo ka danqanaa dhibaatadaan haysato Digil iyo Biimal hala idinka helo sadex shey oo ah dhow ,dhiib,dheh si dal xor ah ay u helaan jiilka naga danbeeya.

  3. waan istaahilnaa maxaa yeeley anagaa hishiin weyney oo faceena u seexaney xagee lagu qoraa dad nabada jecel yaa isku ixtaraamaayo nabad ayaan jecelnahy wll yaalow hoos isufiirin ayaa dhexdeena kujirto waan arki weynwy cadowgeena soomaali walalo wax kumalaheyn wiligeed iska cilin ayey wax kulahaan jirtey weyna sii ahaan doontaa dhulkaasna waa jaanis qoladii u dagaalantaa leh saas ogaada wll yaal

  4. hadii reer shaeelada hoose ay run sheegeyaan dhamaan ha is abaabulaan wixii dhalin yaro ah hala soo aruuriro dhaqaale haloo raadiyo haliska dhiciyo dadkaan marba shaati ayey soogashtaan hadii dagaal mideysan lagu saari waayo dhulka aan u dhaafno kii xoog kqabsadaba

Comments are closed.