Alshabab iyo Ciidamada Amisom oo Shaley Ilaa iyo Maanta Ku Dagaalamaya Deegaanka Jameeco

0
35

DagaalDagaallo culus oo billowday Shalay illaa maantana Socda ayaa ciidamada AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ku dhex-maraya duleedka degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay, iyadoo Al-shabaab ay guulo ka sheegatay dagaalladan.

Iska-horimaadkan ayaa ka dhacaya deegaanka Jameeco oo qiyaastii 20-KM dhinaca Bari ka xigta degmada Buurhabaka ee gobolka Bay, iyadoo saraakiil u hadlay Al-shabaab ay sheegeen in dagaalka ay ku dileen tobaneeyo AMISOM ka tisran, ayna ku gubeen 11 gaadiid dagaal.

Sidoo kale, saraakiisha Al-shabaab ayaa xusay in dagaalka uu weli ka socdo meeshii uu ka billowday shalay, iyadoo aan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalkan.

Ciidamada AMISOM ayaan weli Dagaalladan ka Hadlin, iyadoo aysan ahayn Markii ugu horreysay oo ay xoogagga Al-shabaab iyo AMISOM ku dagaalamaan Waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.