Beesha Galadi oo ka Diidey Shariif Xasan in uu Cali Cabdi Baab Gudoomiye Uga Dhigo Degmada Afgooye .

7
206

cali baabShirar iyo wadatashiyo Waxgaradka Beelweynta Geledi iyo Shariif Xasan uga socday Afgooye ayaa wararka aan ka helayno ku waramayaan in la isku khilaafay.

Xogta ay heleen Warbaahinada Ishabaydhaba iyo Daafeet ayaa sheegaysa in Waxgaradka Beesha Geledi ay wataan Shakhsi Aqoonyahan ah oo magaciisu aan ku helnay Cabdiqani, halka Shariif Xasan uu wato Shakhsi Nolasha ka dhacay oo lagu magacaabo Cali Cabdi (Baab).!

Waxgaradka Beelweynta Geledi ayaa afcad ugu sheegay Shariif Xasan in Cali Baab aanu aheyn nin ku haboon in loo magacaabo Gudoomiyaha Degmada Afgooye, “Ma ahan Cali Baab Nin lagu aamini karo xilkaasi, maadaama uusan laheyn Aqoon Diineed iyo mid Maadi” ayay yiraahdeen.

Shariif Xasan iyo Afhayeenkiisa C/qaadir Nadaara ayaa dadaal xoogan ugu jira in Maamulka Degmada Afgooye Gudoomiye looga dhigo Cali Cabdi (Cali Baab) oo xitaa aan wax sumcad ah ku dhex laheyn Jaaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee dalka Ingiriiska.

Shariif Xasan ayaa ka go’an in Maamulada uu magacaabayo Madax uga dhigo Shakhsiyaad isaga taageersan si Canshuurta Shacabka loogu Takri falo.

Si kastaba ha ahaatee, Degmada Afgooye waxaa maalinta Sabtida ee inasoo aadan loo magacaabi doonaa Maamul Cusub kaas weli Khilaaf uu ka taagan yahay cida Gudoomiye looga dhigayo.

 

 

 

7 COMMENTS

  1. DR CALI BAAB DIIN IYO MAADIBA CID UU KATUUGAAYO MAJIRTO SHAQSIYAAD KALIITA YAA HORBOODOOYO MAAMULADA KADHISAN DALKA OO DHAN MADAXWEYNE SHARIIF XASAN QOF OO WATO CID KA HOR IMAAN KARTO OO KU DHACDO MABA JIRTO DR CALI BAAB WAA DHAL CULUMO

  2. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Ku:Aliyow idhegeys walaalkeyga aan jeclahayow”ay uley irideeda albaabna masaarna ninkii iska aado waa imaan karaa”waa run xaq baat u leedahay in aad masuul ka noqoto somaliya,marna ha ilaabin dardaartii hore.

  3. Cabdi xakiin wanleeyahay waad faalisay abtigaada waansa kuu shee gaa was lava dhagood oo halmeel isla maray cali baab oo afgooye gudoomiye kanaqday Shariif sakiinna waxaan leeyahay marna kaa yeelimeeyno inaad calibaab gudoomiye nooga dhikto maamulka hada haayay ayeey gudoomiye ka ahaayeen hada ma ayagaa ma ayagaa mar labaad gudoomiye kanaqanaayo dadka kale marootiyaa

  4. Shariif sakiin waxaan leeyahay uma qalmo calibaab gudoomiye cidkaayeeleeysana majirto gudoomiye heeynana waa aqoon yahan cqani ee rabitaanka shacabka raac

  5. GALADI MA BEEL keliyaa matasha
    xildhibaan, Wasiir, Suldaan idinkuma filna miyaa ma Gudoomiyaaa soo damacdeen Arada eesjee waatiin aaw.

    Qabaa’ilada kale GALADI maaha sidaas daraadeed Xaq uma lahan inay xil ka qabtaan Degmada Afgooye

  6. maashaa alah in ra’yi la isku darsado aadbey u wanaagsantahy lkn waxaa ceeb ah aflagaadad

Comments are closed.