Kulan ay Lahaayeen Beesha Biyamaal iyo Shariif Xasan oo Lagu Kala Tegey

11
45

shariif xasanWarar aynu dhawaan ka helney degmada afgooye ayaa waxaa ay sheegayaan in beesha biyamaal iyo shariif xasan ay ku kala kaceen kulan ay halkaasi ku lahaayeen.

Kulankaas oo ahaa mid looga hadlayey qaabka ugu haboon ee awood qeybsiga sidii maamul loogu sameyn lahaa degmada marka ee caasimada gobolka shabeelaha hoose.

Kulankan ayaa waxaa uu ahaa kulan u dhexeeyey dhamaan xildhibaanada dowlada federalka ee kasoo jeeda beesha biyamaal, qaar ka mid ah madaxda maamulka shariif xasan ee kasoo jeeda beesha biyamaal, sidoo kale madaxda dhaqanka beesha biyamaal aqoonyahan iyo waxgaradka beesha biyamaal iyo Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa soo bandhigey qorshaha maamulkiisa uu ka damacsan yahay awood qeybsiga degmada marka kaasi oo ay ka biya diideen waxgaradkii beesha biyamaal.

Warar aynu ka helney ilo kala gedisan oo ku dhow kulanka ayaa waxaa ay sheegayaan in golaha deegaanka degmada marka oo ka koban 23 xubnood beesha biyamaal ay ku yeelatey 5 xubnood halka beelaha hawiye oo isku duubana la siiyey 14 xubnood sidoo kalana beelaha 12 koofi ayagana ay nasiib u heleen 4 xubnood.

Shariif Xasan ayaa maalmihii lasoo dhaafey waxaa uu ku howlanaa maamul u sameynta degmooyinka gobolka shabeelaha hoose iyo kan gobolka ayadoo ay hareereeyeen diidmo aad u fara badan oo ka imaanayey beelaha deegaanka asalka u ah.

11 COMMENTS

  1. shariiif sakiin xxxxxx nacalaa kugu taalaa hawiye inaad u adeegtid waan ognahay maamul aad ku.riyooneyso kama shaqeyn doono shabeelada hoose haraadiga mooryaanta waan ka taqluseynaa dagaaalka wuu sii socon doonaa inta.adiga lagaa taqlusayo biimaal saqiir uma noolaaneyso inta aad ku hamineyso maamul gacan ku ramiska hawiye aad maqaar saarka u tahay nacalada ha kugu dhacdo

  2. hawiye waxay ku leeyihiin 1 ama 2 waayo adiga digil iyo mirifle xamar wuu degaaye maxaa lagaa siiyey waaberi iyo madiina adaa leh.

  3. Shariif waa duli daba dhilif u ah moryan kirkir. Umada rer k/galbed si wada jir ah haikaga qabtaan. Waa dhuni raac 2016 yaa doranayo sakiin o walan waa riyo malmed

  4. Aniga hore u ogaa elaay iney fa,ido lahyen Marki odiyashena lo dilay 6 gobol Marki shable sate an Na so horjessnay ee an didnay ina shabelaha hose lagu dar shebelaha dhaxe aan dhiig u dadinay waxa sugay sidaan ila safanay aan dhig iyo naf iyo maal u hurnay iney no hilib donaa manga ayaga wax walbo gacanta u gelinay ee ma sugeynin kii cadawga ahaa shalay lahaa shebelaha hose malaga xukumo dono beydhabo in Manta kaas hoos u kuwato wax an fileynay mahan lakiin wa lesla jogaa dhulka siysada Danbe managu qaldi dontaa insh alaah. Dadka iney isbartaan wa fican tahay wijiga adin qarsana wa aaragnay lakiin siyasada wa is bedel badan tahay juboyinka wa isla jogna. Waxan kalo la yabay digil iyo mririfle malaga wayay wax garad aqoon yahay hawen iyo dhalin yaro tirahdoo waxan sooocon mayaan shariif biimaal wa dad walahena derisken sh wa wax lala yaabo wlaahi?????

  5. waxan leeyahay beelwenta biyamaal ha dulqaataan ee dumiga mar un waa laga bixi doonaa cadaala darida kajirta shabellaha hoose shariif sakiin waqtigiisa waa gawaabsi kuwa dhulka aan leheen umaleynaayo iney leeyihiina masiijoogi doonaan waqti dhaw sabato ah hadey duleysin yuhiinba marka samra oo dulqaata guusha wey dhawdahay digil iyo miriflena waxan leeyahay dad hor socodka idin eh aa usabab ehe dib udhaca idinku dhacay ee meeshaas waxhalaga bedelo daneestayaal lagu adeekto aa hugaanka inoo haaya danta shacabkooda doolar kadoortay

  6. Waryaa ninkaagan wiil ismiin waxaan kuu sheegaa seflabood aya tahay in aad cayso digil iyo mirifle oo dhan adigoo isticmaalaya ereyga eelaay waxaan kuu sheegaa adiga shariif xasan caay laakiin ha u gefin qowmiyada digil iyo mirifle oo dhan waayo waxaad sameysaneysaa cadow badan marka danbena umad degan ayaad barakicineysaa mirifle uma hanqaltaagayo matka taldaada waa in aad kasbataa mirifle iyo digil oo isladegtaan marka siyaasada guud ka hadal dheh waxa uu wado shariif xasan nama anfacayaan taas ayaan kugu raacaynaa iyo diidmada hawiye waayo waa runtaa hawiye wax haba yaraatee u ku leeyahay ma jirto shabeelada hoose hadii xamar oo aan barkiisa leenahay iyo gobolada dhexe wax naga siyaan markaas ha la gaaro soomaali waxay ku maahmaahdaa ninkuu digey kuma dilin nabaday

  7. asc aw wiil ismiin waxaan ku dhihi lahaaba ninkan maamuus ah ayaa kuu jawaabey teeda kale eelaay waa qabiil ka mid ah qabiilada DM ee af lagaadada dhaaf DM intooda damiirka leh wey ka soo horjeedaan shariif sakiin marka hadalka sameyso aflagadada ma fiicna DM ayagaa dhulkooda ka soo xoreeyey moryaanta biyomaal uma soo dagaalamin taas la soco

  8. Anagu hadaanu nahay ardaydA koonfur galbeed we kampla marnaba ma aqbali doono in koonfur galbeed hawiye wax ku yeesho waana dad nijaas iyo dulmiilayaala

  9. Wiil ismiin ninja labaxay wax a San Lee yahay aad baad qof liita utahay shabeelaha hoose digil iyo mirifle ayaa iskaleh idinkoo ha degmo ka dagaa maxaad LA cabaadaysaan isku xishooda wax wax idhinsiiya digil iyo mirifle ayaad aragteene

  10. heer aw digil weey u dhamaatay qeybteena hawiyaa lagu qanciyay mirifleh sidaan miyaa walaaltinimadeena biimaalaaba xoogaa doodaaya oo ina dhaama waa ayaan daro in qof digil ah oo aan ka hadleyn maamulada hawiye lagu taxaayo oo waliba lagu tuugaaya oo siyaasig heer mirifleh ugu tunka weyn shariif sakiin oo u magacaabaaya deegaanada heer aw digil hadaba maxaa haray teeda kale waxaan u jabaabaayaa dadka weerarka ku ah wiil ismiin qof walboo shabeelaha hoose ku nasab sheegta ayaa website kaan ku nool ee ogaada taas website kaan waa web ka hadla xaaladaha sh/hoose oo weliba toos ah ula xariira dadyowg deegaanada gobolka oo dhan ha ahaadaan heer aw digil ama biimaal

Comments are closed.