Dowlada Imaaraadka Carabta oo Boliiska Somaliya ugu Deeqdey Gawaari Gaashaaman

0
14

imaratDowlada Imaaraadka Carabta ayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Cidanka Booliska Soomaaliyeed ku wareejisay Gaadiid Ciidan iyo qalab loogu tala galay Cidanka Booliska Soomaaliyeed.

Gaadiidkani oo ah kuwa tayadoodu aad u sareyso oo gaashaamaan ayaa waxaa loogu talo galay in lagu xoojiyo howsha baaxada leh oo ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ay u hayaan dadka iyo dalka.

Wasiirka Wasaarada Amniga gudaha e Xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo ka hadley qalabka ay ugu deeqdey dowlada imaaraatka ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin kaalmada Dowladda imaaraadka carabta ay siineyso Soomaaliya islamarkaana Walaalaha imaaraadka carabta ay ugu mahadcelinayaan caawimaada ay caawisay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlay qalabkani ay ugu deeqday Dowladda Imaaraadka ayaa u mahadceliyay dowladaasi, isagoo sheegay in agabkani ay ku horumarinayaan howlaha ay ugu qidmeynayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Xumaadi oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in gaadiidkani ciidan ay ugu talo galeen in lagu horumariyo howlaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ay ka wadaan dalka ee la xiriirta xaqiijinta ammaanka.