Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka dalkan Uganda oo ka dhacday magaalada Kampala.
Munaasabadda oo lagu qabtay Hoolka Shirarka Sarena oo kasoo horjeeda dhismaha Baarlamaanka dalkan Uganda ayaa waxaa kasoo qeyb galay islamarkaana lagu marti qaaday inta badan Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Afrika ayadoo dhanka Soomaaliyana ay Munaasabadda ugu sugnaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay wehliyaan Xildhibaanno Golaha Shacabka ka tirsan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Uganda Mss Horn Rebecca Kedega oo jeedisay Khudbaddii ugu horeysay ee Munaasabadda ayaa sheegtay iney aad ugu faraxsan tahay sida ay marti qaadkeeda ugasoo jawaabeen Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika qaarkood waxaana ay Khudbaddeeda qeyb ka mid ah ku muujisay halka uu marayo xiriirka wadashaqeyn ee u dhaxeeya Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda.
Munaasabadda ayaa sida dastuurka dalkan u degsan uu qabo waxaa furay oo ku dhawaaqay in Baarlamaanka dalka Uganda uu u furan yahay Kalfadhiga 4aad Madaxweynaha dalkan Uweri Museveni oo isagu khudbad dheer oo uu ka jeediyey Munaasabadda uga hadlay xaalada dalkiisa iyo xiriirka iskaashi ee uu la leeyahay dalalka Afrika iyo kuwa Caalamka.
Daafeet.Com