Golaha Wasiirada oo Maanta Kulankoodii ku Ansixiyey Gudi u Madaxbanan Egista Dastuurka

0
106

wasirada1Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Muqdisho ayaa guddi madax-bannaan u saaray dib-u- eegista dastuurka iyo arrimaha la xariira amniga.

Wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federaalka ayaa golaha wasiirrada u soo gudbisay guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista dastuurka. Dood iyo falaqeyn dheer kaddib waxaa goluhu isku raacay magacaabista guddigan oo ka kooban shan xubnood oo kala ah:

1. Marwo Caasho Geele Diiriye
2. Prof. Xasan Cumar Mahad-Alle
3. Cusmaan Jaamac Cali (Kalluun)
4. Avv. Maxamed Cabdalla Saalax
5. Avv. Xasan Xuseen Xaaji

Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka, Faarax Sheekh C/qaadir ayaa sheegay in wasaaraddiisu in muddo ah ku howlanayd sidii loosoo diyaarin lahaa guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka, isagoo ku ammaanay golaha wasiirrada sida aqlabiyada ah oo ay isugu raaceen ansixinta guddigan oo ay hortaallo shaqo adag.

Ra’iisul wasaaraha Somalia , C/weli Sheekh Axmed oo kulanka shir-guddoomiye ka ahaa ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo ansixinta guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka, isagoo ku tilmaamay inay yihiin guddi u leh aqoon iyo khibrad u leh shaqada loo magacaabay.

Daafeet.Com