Prof Maxamed Cusman Jawari oo sheegey in Safiirka Somaliya Kenya u fadhiyo uu hor iman doono Barlamanka

0
44

jawaGuddoomiyaha baarlamaaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamed Cali Ameerika uu horimaanayo baarlamaanka si xildhibaannada uu ugu sharraxo xaaladaha ka taagan Nairobi.

Jawaari ayaa sheegay in tani ay tahay fursad ay xildhibaannadu markii ugu horreysay ku dhageysan doonaan danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, si ay wax badan uga ogaadaan dhibaatooyinka Soomaalida ku nool dalka Kenya lagu hayo iyo xarigii booliiska Kenya ay u geysteen qunsulka safaaradda Somalia ee Kenya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ma sheegin xilliga uu horimaanayo safiirka golaha baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuse xusay inuu dhawaan horimaan doono, iyadoo danjiraha oo shalay soo gaaray Muqdisho uu sheegay inuu Muqdisho ku sugnaan doono laba maalmood oo keliya.

Arrintan ugu weyn ee sababtay in xukuumadda Soomaaliya ay u yeerto safiirkeeda u jooga dalka Kenya ayaa ahayd markii ciidamada booliiska dalkaas ay saacado kooban xireen Jimcihii qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

 
Daafeet.Com