Daawo Sawirada:-Wasiir ku xigeenka Qorsheynta,Iskaashiga caalamiga ah iyo Jaalilyadaha dibada Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed Soomaaliya oo kulan la qaatay jaaliyada Bilgim

2
31

20140426_190311Waxaa shaley oo ey taariiqdu eheyd 26 bishii 4 ee 2014 booqosho ku tegey dalka Bilgim Wasiir ku xigeenka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga iyo jaalilyadaha dibada dowlad goboleedka koonfur galbeed somaliya Axmed Osman Duuble.

Wasiir ku xigeenka ayaa halkaasi waxaa uu kulan balaaran kula yeeshey shacabka reer koonfur galbeed ee ku nool dalka bilgim, Kulankan oo dadkakii kasoo qeyb galey ay ka kala yimaadeen Bruxelles Veerviyee, Luuvan, Shaarl le Ruwaa, Geent iyo Arest.

Waxaa kulanka furay Suldaan Mohamed Abdullahi Ibroow oo si fiican ugu dheeraaday dhaqanka iyo deegaanka lixda gobol wuxuuna ka digay nimanka iska sheegto suldaan iyo malaaqnimada, wuxuuna cadeeyay in ay si buuxdo u taageersan yihiin maamulka goboleedka koofur galbeed ee lixda gobol oo madaxweyne ka yahay Madoowe Nuunoow Moxamad, isagoo ugu baaqey dadka lixda ku abtirsato iyo dadka kaleba in la taageero maamulka.

Suldaanka ayaa waxaa kaloo uu amaan usoo jeedey dowlad goboleedka howshan cusub oo ey shaley ku dhaqaaqeen taasoo ay tababar u fureen labo kun iyo shanta boqol (2500) ook u labisan calaamada maamulka tababar loogu furay Baydhabo wuxuuna amaan iyo buqaadin usoo jeediyey golaha guurtida ee lixda gobol iyo hawlihi ay qabteen.

Dadka meesha ka hadleen way fara badnaayeen waxaana ka mid ahaa:

1. Ahmed Suldan. (Sheekh Osman Jiis).
2. Gudoomiyaha jaaliyada Holland.
3. gudoomiyaha hooyooyinka ee Holland.
4. Ruqiya Hagi Rashiid oo ku hadlaysey magaca hooyinka maamul goboleedka ee Belgium.

Waxaa gabagadii shirka meeha ka hadley Wasiir ku xigeenka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga iyo jaalilyadaha dibada dowlad goboleedka koonfur galbeed somaliya Axmed Osman Duuble isagoo aad uga hadley dhibtii loo soo marey sameyn dowlad goboleedka koonfur galbeed somaliya.

Wasiirka ayaa waxaa uu kaloo uu shacabka dalka bilgim ka codsadey in laga shaqeeyo horumarka iyo gaargaarka iyo wax kasto wixii dan u ah umadada koonfur galbeed somaliya Wuxuuna ku baaqay in laga qayb qaato dhimaha maamulka.

Wasiir ku xigeenka kol uu ka hadlayey warbaahinta caadeystey beer abuurka ayaa waxaa uu uu shacabka ku nool dalkaas uga digey inay ka feejignaadaan wararka beenta telefiishinada iyo website yada ay ka qoraan maamulka.

Socodka wasiirku uu ku marayo dalalka yurub ayaa waxaa la filayaa in uu dhawaan u kicitimo dalka jarmalka ka dibna uu socodkiisa kusoo gunaanudo Sweden, Norwey iyo Denmark oo ayagana la filayo in uu tago horaanta bisha May.

20140426_181838

20140426_184309

20140426_185048

20140426_190311

20140426_190713

20140426_195826

20140426_200040

20140426_201733

20140426_202230

20140426_202828

Waxaa qoraalkani ka soo diray Bruxelles Hussein

hamoalim@hotmail.com

2 COMMENTS

  1. wasiirku xigeenka
    Duuble waan ku taageeranahay booqashadìsa yurub ku marayo
    Waxaana leenahay hawl wanaagsan garabkiina ilaah ha’galo

  2. war wax caqliga geli kara keena marka hore ta laydiin ogolyahay ee “2da gobol dhisa “3da gobol ee jubooyinka iyo marka , wada hadal iyo walaal ku doona ,waayo xumaan xal ma keento iyo aan ku jiidee meel laguma gaadho siyaasad iyo ficil toona,eega dawlada dhexe dadka goboladaa degen dawladaha deriska oo dantooda ilaashanaya reer galbeedka oo ilaaliya maqla danaha itoobya iyo kenya sidaad wax wadaan kama raali aha niman gaagaabna ku dar ,war si degan u fakara oo xamaasada joojiya mahadsanidid.

Comments are closed.