Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo maanta booqdey Xarumaha Wasaaradaas

0
29

maxamed cali xamudWasiirka wasaarada garsoorka, cadaalada iyo kobcinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr. Maxamed Cali Xaamud ayaa waxa uu maanta booqasho indha indhayn ah kusoo maray dhamaan xarumaha wasaaradaas ee magaalada Baydhaba.

Mudane Maxamed Cali Xaamud ayaa waxa uu warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta xarumihii uu soo booqday maanta iyo weliba shaqaalaha qaar kamid ah xarumahaas.

Goobaha uu wasiirku soo booqday ayaa waxaa qaarkood ka muuqday bur bur lixaad leh oo ay dagaaladii soo maray magaalada Baydhaba ku reebeen.

Wasiirada dowlad goboleedka Koonfur galbeed qaarkood ayaa dhawaanahaanba waday howlo ku aadan wasaaradahooda ayaga oo ay qaarkoodna si toos ah u howl galeen buuxiyeena howlihii wasaaradahooda.
Daafeet.Com