Qarax aad u weyn oo xaley ka dhacay mid ka mid Saldhigyada boliska Kenya ee Neyroobi

0
34

kenyaAfar qof oo laba ka mid ah ay yihiin booliis ayaa ku dhintay qarax xalay ka dhacay saldhigga booliiska Pangani ee xarunta dalka Kenya ee Nairobi, sida ay sheegeen saraakiil u hadlay Kneya, iyadoo qaraxan uu imaanayo xilli ay howlgallo lagu adkeynayo ammaanka ka socdaan Nairobi.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa si lama filaan ah ugu qarxay bannaanka saldhigga, iyadoo gaariga uu burbur xooggan gaaray.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay laba sarkaal oo booliis ah iyo laba qof oo shacab ah, kuwaasoo uu midkood ahaa darawal iyo qof rakaab ahaa.

Patrick Lumumba oo ka mid ah saraakiisha booliiska Kenya ayaa sheegay in labada sarkaal ee booliiska ka tirsan ay ku jireen gaariga qarxay, iyadoo qaraxa gaariga uu ahaa mid si lama filaan ah ku dhacay.

 
Daafeet.Com