Maamulka Puntland oo ku hanjabey iney jawaab ka bixin doonan qabsashada somaliland qabsatey Taleex

2
25

puntlandMaamulka Puntland ayaa ku hanjabey inay jawaab adag ka bixin doonaan tallaabada ciidamada Maamulka Soomaaliland ay ku qabsadeen Degmada Taleex ee Gobalka Sool oo ay shalay gudaha u galeen ciidanka Soomaaliland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirsi Indho-guran oo la halday Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay inay qaadi doonaan tallaabo jawaab u ah qabsashada ciidanka Soomaaliland ay qabsadeen Degmada Taleex oo aheyd xaruntii Mamulka Khaatuma.

Sababta Soomaaliland duulaanka ugu soo qaaday Degmada Taleex, ayaa waxaa uu ku sheegay Wasiir Indha guran in Siilaanyo uu ku qarinayo fashilka Siyaasadeed ee ka taagan Maamulka Soomaaliland.

 

Daafeet.Com

2 COMMENTS

  1. Puntland waa Afk-nool ee malaha oo hayso awood ciidan oy kaga hortagto ama kula dagaalanto Somaliland ee sidaas hala ogaado.

    Waxay ku fiican yihiin bootaynta cida ka dhegeysata ama ka dambeysaana waa dadka Koonfurta Soomaaliya ku nool.

  2. Puntland waa Afka-nool ee malaha oo mahayso awood ciidan oy kaga hortagto ama kula dagaalanto Somaliland ee sidaas hala ogaado.

    Waxay ku fiican yihiin bootaynta cida wax ka dhegeysata ama ka dambeysaana waa dadka Koonfurta Soomaaliya ku nool.

Comments are closed.