Dhegayso…Wadada xiriirisa Afgooye iyo Wanlaweyn oo Sagaal iyo Labaatan Isbaaro taal.

4
40

fataxCabdifataax Xaaji Cabdule Yuusuf Gudoomiye ku xigeenka dhinaca dhaqaalaha maamulka gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxa uu maanta ka dhawaajiyay in maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed misna ku la bisan dharka Ciidanka Qalabka sida ay isbaarooyin gaaraya sagaal iyo labaatan ay soo dhigteen inta u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose.

CabdiFataax ayaa sidoo kale sheegay inay ku wargeliyeen isbaarooyinkaan wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga balse ayan waxba ka qaban.

Halkan ka dhegaysoUnknown Album

4 COMMENTS

  1. marka Hore abdi fataax Dadaalkiisa waan uga mahad celineynaa.Horay ayaa yoo yiri ninba Dalshey Doora Daaftiyee. Lisla kasee xada uguma Horeyso mar hada laga jogo sanado ayaa sidan noqotay Darsi lama ilaabaan ah ayaa laga siiyey Dibse waa ugu soo noqon waayeen balse xadii xada soo Noqdeen waxaan leenahay Geesiyaashii caawey C/fataaxow maad soo kicisaa oo yaad sugeysaa in idin ka Qaado. waa la soo Diray ee iska dhiciya oo Dareeska idinkuna u Gashta.

  2. marka hore waxaan ka soo jeedaa degmada Daafeet. cabdifatax ilaah kheyr hakaa siiyo wargelinta sbaarooyinka. marka hore wasiir wax kuu ma qabankaro. far keliget fool ma dhaqdo. maad laxiriirtid dadka fadiya baydhabo ood kala hadashid arintaan. iyaga ayaa la rabaa iney waxka qabtaan, hadii maamulka K/G inuu shaqeyo.

  3. Maamulka k/G waa inn uu wax ka qabtaa isbaarooyika yaala inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn. Gobolka sh/hoose waa inn uu hoos tagaa maamulka k/G.Waa mahadsantihiin

  4. Cabdifattaxow daafeet marka nagu dambeysay rag wax iska dhiciya oo aan calaacal iyo cawaad aqoon Ayaan ogayn ee walalow maxa isbedelay qoloyinkan isbarada dhigta maa meel layska saaro ilayn xabadu cid walba way kartaa. Cabdifattah dadaal wayn ayad ku jirta garabkaga allaha galo. Yasin wa ku mahadsan tahay brnamijyadada isdaba jooga ah. Mudane Gudomiye Cumar Boonge wa ku salamay, insha allah Shabeelaha Hoose oo xor ah iyo guud ahaan Somaliya

Comments are closed.