Dhegayso…Sicir barar xooggan oo ka jira Degmooyinka Buurdhuubo iyo Garbahaarey…Waa maxay sababtu?

0
132

geerSare u kac aad u xooggan ayaa waxaa laga dareemayaa Suuqyada iyo Goobaha ganacsiga degmooyinka Buurdhuubo iyo Garbahaarey ee Gobolka Gedo,iyadoo arimahaasina ay saameyn ku yeesheen nolosha dadka ku dhaqan degmooyinkaasi oo u badan Qoysas danyar ah oo ay horey ragaadiyeen Abaaro iyo Colaado soo noqo noqdey.

Sarakacaasi ayaa lala xariirinayaa hakad ku yimid Gaadiidkii Xamuulka ahaa ee soo galayey Degmooyinkaasi mudo ka badan ilaa 3 asbuuc dagaalo dhowaan ka dhacay buurdhuubo,Roobabka da’aya aawadood iyo weliba deganaansho la’aanta ka jirta Deegaankaasi,arimahaasi oo is biirsadey ayaa waxay keeneen in Qiimaha raashinka uu sare u kaco.

Noocyada Raashiinka uu qiimahooda cirka isku shareeray ayaa waxaa ka mid ah Masagada, Bariiska,Burka,Sokorta,Saliidda iyo Baastada kuwaasoo ah cunnada daruuriga u ah Dadka,iyadoo shey weliba uu ka sare marey laban laab qiimahii Bil ka hor uu taagnaa degmooyinkaasi.

Halkan ka dhegayso warbixinta wariyaheena oo dhamaystiranSicir barar xooggan oo ka jira Degmooyinka Buurdhuubo iyo Garbahaarey,wadajr