Dhegayso…Degmada Xamar Weyne oo Isbaaradii Gudoomiye Gardhuub laga qaaday.

2
91

carabGudoomiyaha cusub ee degmada Xamar weyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir ayaa maanta waxaa la filayaa inuu si rasmi xilka ula wareego kadib kolkii maalin-nimadii shalay xilkaasi loogu magacaabay wareegto ay soo wada Saxiixeen Madacweyne Xasan Shiikh,Wasiirka Arimaha Gudaha Goodax iyo Moon-Gaab gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir Gudoomiyaha cusub ayaa xilka kala wareegaya Gudoomiyihii hore C/llaahi Sahal Gardhuub oo isaga tan iyo burburkii dowladii dhexe si Isbaara ah ku haystay degmada Xamarweyne.
Talaabadan degmada Xamarweyne looga qaaday Isbaaradii Gerdhuub ee lagu magacaabay Cabdulqaadir Carab ayaa waxay noqonaysaa baal cusub oo u furay beelaha Banaadiriga, maadaama aanay horay u dhicin in muddo ah in degmadaas uu xilkeeda qabto nin ka soo jeeda beelaha deegaanka ee reer Banaadir.
Magacaabista Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir waxaa aad u soo dhoweeyay qaybaha kala gedisan ee reer Banaadir gaar ahaa gudoomiyaha ururka dhalinyarada midowga Banaadiri

Waa kan Gudoomiyaha Dhilinyarada Midowday ee reer Banaadir Luqmaan Cali MacoowUnknown Album

2 COMMENTS

  1. walaahi waa wax lagu farxo waana soo dhaweyneynaa talaabadaan la qaaday waxaana rajeyneynaa in ay socon Doonto xikaqaadista Gudoomiyayaashii hore iyo magacaawista gudoomiyayaasha usub waxaan sugeyno waa waberi iyo inta kaloo isbaaro lagu Haysto Gudoomiyaha G/ Banaadir oo talaabadan Qaaday waan uga mahad celineynaa.

  2. Degmada Xamar Weyne oo Isbaaradii Gudoomiye KU SHHEG Gardhuub OO laga XURIYAY XAMAR WEYNE .XAQI AA SOO DAAHIRAY. Gardhub iyo muryaanta oo watay waxey ka yimaaden CADAADO waxeyna ka dhashteen HG.Waxey xog ku hesteen 2oki sano ee na so dhaafay dadka iyo degmada XAMAR WEYNE. HABAARTI IYO INKAARTI WAKA SOO BAXDAY. DULMI MA DUUGMA

Comments are closed.