Ciidamada dowlada iyo Alshabab oo guulo ka kala sheegtey dagaal ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Bakool

0
28

dagaalAl-shabaab ayaa ka hadashay dagaallo ka dhacay shalay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool, kuwaasoo dhexmaray xoogag taabacsan iyaga iyo ciidamada Itoobiya ee AMISOM ioy kuwa dowladda oo isku dhinac ah.

Afhayeenka howlgallada Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalku uu qarxay kaddib markii ay weerareen gaadiid ciidamada Itoobiya sahay u siday oo ka yimid dalka Itoobiya, kuna socday degmada Waajid.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay inay goobta ku arkeen maydadka shan askari oo ka tirsan kuwa Itoobiya oo goobta looga cararay, ayna ka qaateen hubkii ay ku dagalaamayeen. Balse ma sheegin khasaare iyaga kasoo gaartay dagaalka.

Dhinaca kale, saraakiil u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa iyaguna sheegay inay dagaalkaas khasaare xooggan ku gaarsiiyeen Al-shabaab ayna ka adkaadeen oo ay la wareegeen jidkii uu dagaalku ka dhacay.

 
Daafeet.Com