Dab qasaare geystey oo ka dhacay suuqa magalada bayadhab

1
33

qaraxDab khasaare nafeed geystay ayaa xalay ka kacay suuq ku yaalla bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo sababta dabkan kicisay ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

Toddoba qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen dabkaas, kuwaa oo isla xalay la dhigay isbitaalka Baydhabo ee gobolka Bay, iyadoo wararka qaarkood ay sheegeen in dabku uu ka kacay goob shaaha lagu kariyo oo dab lagu illoobay, halka kuwo kalena ay sheegayaan inuu ka kacay goob lagu tumo biraha.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dabka uu si lama filaan ah ku kacay uu si fudud ugu baahay suuqa dharka Baydhabo, halkaasoo ay ku gubteen dukaanno uu dhar ka buuxay, iyadoo aan la ogeyn rasmi ahaan khasaaraha maaliyadeed ee uu dabka dhaliyay.
Daafeet.Coma

1 COMMENT

  1. Asc,waxa meeshaan ka muqata in arrintaan dad cadow aan ogaaleen D/G/K/Soomaaliyaa waxaad ku fahmi kartaan markii Madaxweyne MAADOOWE COdsaday in laga qeeb qaato dayactirka xaafiisyada Dowladda taasi cadwga oo diidan waxii horimar ah oo loo qabto dowlad G/K/soomaaliyaa aad aynn uguu xumahay cadoga ha dhaco

Comments are closed.