Maxkamada ciidanka qalabka sida oo laba ruux midkiiba shano ku xukuntey

0
57

maxkamadaMaxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday labo ruux oo mid shacab ahaa midna uu ka tirsanaa ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Labada ruux ee maanta ay xukuntay maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeesnaa labo kiis oo kala duwan.

Labada ruux ee xukunka lagu riday ayaa midka koowaad waxaa lagu soo eedeeyay inuu xirtay dharka Dumarka ragana uu kula haasaawi jiray, waxaana ruuxaasi lagu magacaabaa Maxamed Xareed, kaasi oo maxkamada ku xukuntay shan sano oo xabsi ah.

Sidoo kale maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xukun xabsi ciidan oo shan sano ah waxa ay ku riday Xidigle Xasan Maxamed oo isna lagu eedeeyay inuu geystay fal xatooyo ah.
Daafeet.Com