Dhegayso..Dad ay dagaallo ka barkaciyeen Buurdhuubo oo codasanaya in la gargaaro

0
31

buurdhuubo

 

 

 

 

 

Waxaa laga deyrinayaa xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin dad ka badan ilaa kun qoys oo ku barakacay dagaallo ka dhacay degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, iyadoo dhibaatada ugu daran ee qoysaskaasi ay ka cabanayaan ayaa waxaa ugu daran cuno la`aan, hoy la`aan, caafimaad darro iyo helitaaanka adeegga biyaha oo aad u liita, arrimahaasi oo is biirsadeyna waxay sii sii adkeeyeen nolosha qoysaskan barakacayaasha ah.

Maxamed Cali oo ka mid ah qoysaska faraha badan ee ka barakacay Buurdhuubo, kuna sugan tuulada Surriyo oo la hadlayey raadiyaha Wadajir ayaa sheegay dadka ka barakacay guryahooda ku yaaley Buurdhuubo in ay tiradooda u dhaxeyso 1500 oo ruux ilaa 2000 kun oo ruux .Qoysaskaasi ma haystaan ayuu yiri adeegyadii ay u baahnaayeen, waxaana dhibaatadaasi u sii dheer maciishadda oo cirka isku shareertay, ka dib markii ay istaageen gaadiidkii xamuulka ee soo galayey deegaanka.

“Dadka wuu ka qaxey Buurdhuubo, waxayna u qaxeen tuulooyin u jira Buurdhuubo 10 km-5km u jirta deegaanka, xilli kulul ayaana lagu jiraa dadkuna ma haystaan wax nolol ah, waxayna u baahan yihiin in la gargaaro waxaana weli taagan cabsidii looga barakacay deegaanka, waxayna ka qaxeen beerahii ay tabcanayeen, waxaana codsaneynaa in gurmad deg-deg ah loo fidiyo qoysaskan oo aanan haysan, wax raashin iyo hoy sidaasi waxaa yiri Maxamed Cali.dadka badan ilaa kun Qoys oo ku Barakacay Dagaaladii ka dhacay degmada Buurdhuubo,wada