Madaxweynaha iyo gudoomiyaha barlamaanka oo kulamo la qaadanaya odayaasha golaha guurtida koonfur galbeed

1
35

DSC01469Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ku sugan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo gudoomiyaha Baarlamanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyagoo kulamo gooni gooni ah la qaadanaya odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku sugan magaaladaasi.

Kulamada ay madaxda ugu sareysa dalka la qaadanayaan odayaasha reer Beydhabo ayaan si rasmi ah loo shaacin waxyaabaha looga hadlayo, hase yeeshee guddoomiyaha baarlamanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari ayaa la filayaa inuu maanta la hadlo bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Ammaanka magaalada Beydhabo ayaa waxaa sugaya ciidamada dowladda iyo kuwo AMISOM kuwaas oo taagan dariiq kasta, waxaana xiran dhamaan ganacsiga magaaladaasi, iyadoo ciidamuna ay muujinayaan feejignaan iyo taxadar dheeraad ah.

Booqashada madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamanka ku joogaan Beydhabo ayaa ka dambeysay kadib markii madaxweynaha iyo odayaasha golaha guurtiga ey is mari waayeen.

 

Daafeet.Com

1 COMMENT

Comments are closed.