Maamulka Alshabab ee magalada Baraawe oo maanta 3 qof ku toogtey magalada baraawe

0
62

dilAl-Shabaab ayaa fagaaro ku yaala Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha hoose, waxa ay ku toogteen saddex ruux oo ay ku eedeeyeen inay yihiin Jaajuusiin kuwaasi oo Shabaab ay toogteen.

Ragan Al-Shabaab ay toogteen ayaa waxa ay ku eedeeyeen inay la shaqeeyaan Hay’adda Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Magacyada ragan ayeey Shabaab ku sheegeen Max’med Xassan Cali 28 sano jir, Maxamuud Faarax Sabriye shuuriye oo 47 sano jir, iyo C/Najiib Shire Barre.

Guddoomiyaha Shabaab ee Shabeelaha hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdala, ayaa ka sheegay madasha toogashada ka dhaceysay in Al-Shabaab ay uf ududahay soo qabashada raga uu ku sheegay inay yihiin jaajuusiin.
Daafeet.Com