Ergooyin Maanta Gaaray Magaalada Baydhabo Janaay

2
28

sawirSida ay kusoo waramayaan wariyeyaasheena ku sugan magaalada Baydhabo Janaay, waxaa saacad ka hor gaaray magaalada Baydhabo ergo ka kala timid degmooyinka gobolka Jubbada hoose, kuwaasoo ka qeyb-galaya shirka maamul u sameynta Koonfur galbeed Soomaaliya.

Shirka maamul u sameynta Koonfur galbeed ayaa furmay 20-octobar ee bishii tagtay, waxaa shirkaa shir guddoominaya Digil i Mirifle oo bilihii ugu danbeeyayba ku howlanaa maamul u sameynta Gobolada Koonfur galbeed.

Ergada maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa kamid ah Ergooyin maalmahaan ku qulqulaya Magaaladaas, oo uu ka socdo Shirweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Fillo Goordhow Warar Dheeraad Ah Iyo Sawirro.

2 COMMENTS

Comments are closed.