Suxufi ku sheeg Jaahil ah oo u gafay Suldaan Digil iyo Mirifle.

5
44

kuliyaGuud ahaan Saxaafada caalamka ee maanta ayaa waxa ay wax weyn ka bedeshay hab nololeedka bulshooyinka gaar ahaan dhanka iska warqabka iyo weliba dhacdooyinka ka jira meel u dhow iyo meel ka dheer intuba ilaa la gaarsiiyo saxaafadu inay tahay awooda sedexaad ee nidaamka caalamiga ahee cusub.

 

Hadaba magacan iyo mansabkan weyn ee ay Saxaafada xorta ahi yeelatay kuma imaan si dhayal ah balse waa mid loogu abaal mariyay dadaal iyo dhabar adeeg ay muujiyeen in badan oo ka mid ah Suxufiintii horseeday helista warar iyo xogag muhim ah misna la hubo oo layku halayn karo oo aan weliba lahayn u janjeeris siyaasadeed iyo mid dano gaar ah xumbaarsan ayan ugu hiilinayn koox amaba nidaam sidoo kalena aan la heleen wararkaas iyo xogagaas muhimka u ah noolaha hadayan jiri lahayn Saxaafada Xorta ah.

Dhanka kale waxaa iyana aad u muuqda dhaliilo ay lasoo banbaxday saxaafada Xorta ah kuwaasi oo iyana dhabar jab soo noqnoqday ku ah guulaha saxaafada xorta ahi la tilmaamo inay gaartay.

Sida aan horay u soo sheegnayba Saxaafada Xorta ahi waxaa ka mamnuuc ah inay qaab qaldan ay u adeegsato amaanadan ay ummadda u hayso ayna ka hortagto Shaqsiyaadka fahamka gaaban ee Saxaafada u isticmaala sida Mindi laba Afley ah oo hadba sida ay doonaan wax ugu yeeriya Ummadda iyagoo welibana ku caaya oo ku aflagaadeeya shaqsiyaad aan istaahilin misna Amaana oo buunbuuniya Shaqsiyaad gabay nolosha.

Hadaan u soo daadego muhimada qoraalkaygan oo ku qotoma wax u sheegis shaqsiyaad caadaystay ku tumashada iyo ku been abuurashada xaqa Ummadda iyo tan Shaqsiga misna aan lahayn damiir nool oo ka difaaca falkooda guracan.

Hadaba si loo gaaro hufnaan saxaafadeed waxaa lama huraan ah in qoraalka ummadda loo soo bandhigaayo uu noqdo mid ka hufan dhamaan ceebaalka keeni kara Caadifada,Carada iyo Cilmi la’aanta oo kolkay kuu kulmaan soo saaraya xaqiiqda Runta ah ee uu dadayo qalinka qoraaga FAASHILKA ah.

Akhristaha Sharafta lahow bal ila raac xarigan oo Riix

http://baidoanews.com/articles/17805/Wasame-Caliyow-Ibrow-Oo-Noqdey-Shaqsiga-Koowaad-Oo-Loo-Adeegsado-Bahdilida-Magaca-Odoyaasha-DM

Kadib kolkaad soo akhrisay maxaa kuu soo baxay?

Ma dhihi karnaa qoraalkan waxaa qoray Suxufi madaxbanaan?

Mase dhihi karnaa Webkan waa mid madaxbanaan?

Waxay ila tahay jawaabtu waa ay iska cadahay oo waxa ii muuqda waa Suxufi Caro,Ciil iyo Cilmi la’aan la bakhtiyay oo sida ruux nool weli wax qoraya…ee Suxufigow xaalqaado.

Qowmiyada Walaalaha ah ee Digil iyo Mirifle inta u nasab sheegata waxaa hubaal ah inayan aflagaadayn hogaankooda dhaqanka balse ruuxa caadaystay aflagaadada dhaqanku waxaa hubaal ah in aanu dhiig ahaan ku nasab ahayd Qowmiyada Digil iyo Mirifle balse dhacdaa in magac ahaan ugu nasab sheegto Qawmiyada Xalaalnimada iyo Xurmadaba looga haray.

Waa yaabe maxaa ku xunbaaray Suxufigan madaxa XIRAN beenta iyo Aflagaadada iyadoo maanta caalamka oo dhami yahay hal tuulo oo lawada joogo wixii dhacana laysu marinaayo dhalooyinka daqiiqado gudahood.

Markale Akhristaha sharafka lahow ila raac xarigan oo dhegayso Suldaanka Sharafta leh ee wax magaratadu ku been abuurteen.

http://daafeet.com/?p=8948

Waa dhab in aan ka dheragnay dhagarta Jaahilka iyo Juhaladiisa ay la dhex wareegayaan gudaha Qawmiyada Akhlaaqda iyo Edebta loogaga daydo ee Digil iyo Mirifle isla markaana aan xumihiisa u bandhignay dhamaan Qawmiyada Digil iyo Mirifle iyo inta samaha jecel ee Nafta,Nafiiska iyo Sharaftuba u dhowra sida ay Diintooda fartay.

Markale iyo Marar badan oo kale ayaan leenahay ka noqo falkaagan Doqon-nimadu haraysay oo ku Sabeen xir Suldaanka inta ay googri goor tahay.

Hadii lagaa waayana Ogow in aad fududaysay samaynta howl akhlaaqdu naga af xiraysay.

Sharafta ruuxa Digil iyo Mirifle,Tan Hogaankooda dhaqanka iyo Diintuba waa Muqadas oo lama taabtaan.

 

 

Daafeet.Com

5 COMMENTS

  1. marka ugu horeysa scw salaan kadid aniga waxay ilatahay kani in lagu sheego suxufi ama qoraa inay qalad tahay walibana debi kabaa ir tahay, waayo waxaaba kugu filan akhlaaq xu madiisa, sidaa darteed ma is taahilo wax jawaab ah haba yaraatee, kani waa waxba yahow.

  2. Asc dhamaan bahada warbaahinta daafeet.com iyo dhamaan aqrista yaasha sharafta leh waan idin salaamey salaan kadib anigo ah aqrista yaasha ku xiran websiteka daafeet kana mid ah qurba joogta ku nool North America waxaan aad uga xumahay aflagaadada katimid nin sheeganaaya wariye ama suxufi in uu aflagaadeeyo madaxdiisa ama xogaan kiisa kana qoro wax uu san marnaba mudneen Suldaan Warsame, Suldaan Ibraahim.
    hadaba waa markii labaad la aflagaadeeyo haka waan toobaano dadka caadiyeystay caayda.
    waxaana keenaaya cayda aqoon la,an xaga cilmi yarida iyo akhlaaq xumada waxaa soobatey kuwa isku sheegaaya suxufiyiin aanan garaneynin waxa uu qoraayo iyo meesha uu ku qoraayo hadaba yaanan warka idinku dheereynine waxaan idin leeyahay taga jamacada looga soo boxo saxafada si aad u heshaan wax barasho dhanka saxafada iyo mida akhlaaqda wabilaahi towfiiq

  3. waa sax warkaas ninkaas qorey waa uu ku fududadey sida muuqata waan wax isaga un ku koobban ugaaska uu aflagaadeeyeyna waxaan isleeyahay waa ugaaska ugaasyda D&M ama soomaaliya oo dhan waana nin aqoonyhan ah marka umaleen maayo inn uu reer kisa khiyaanno ku sameeynaayo sida waryahaas qorey waxaana rajeynaa web ka baidoanews.com in ay ka laabtaan cudur daarna ay ka bixiyaan aan rajeynaa insha allah.

  4. A.c.w dhamaan shaqalaha iyo aqristayaasha daafeet.com
    salaan kadib
    Waxaa haboon hadii ow ruuxa qaldamo in aan asne lala qaldamin Loo caqli celiyo asne ow raali galin kabiyo waad mahadsantihiin

Comments are closed.