War Deg Deg Ah: Xildhibaanada Digil Iyo mIrifle oo lagu wado iney u Kicitamaan Magalada Baydhaba

6
44

breaking nWarar goordhow aynu ka helney magalada muqdisho ayaa sheegaya in meel xun uu gaaray Khilaafka dowlada iyo dadka deegaanada koonfurta somaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa lagu mucaaraday heshiiskii ay la gashay Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe hogaamiyo, iyadoo Odayaasha Digil Iyo Mirifle ay sheegeen in heshiiskaas uu yahay mid xaaraan ah.

Xildhibaano iyo xubno kale oo dowlada Katirsan ayaa lasoo sheegayaa inay Muqdisho ka wadaan abaabul ay ku aadayaan magaalada Baydhabo.

Siyaasiyiintan ayaa amar ka helay Odayaasha iyo waxgaradka beelahooda iyadoo looga yeeray Baydhabo oo ah xarunta ugu weyn ee Beelaha Digil iyo Mirifle.

 

 

Daafeet.Com

6 COMMENTS

  1. baha seeda baydhawa dadkiin an seeda ..meela do yaala xildhiban..ogada waa madii una sharaftaana i dhulkaana ha naqsada fadni madun…aduunkun wal dhimade mal roogaaw..lan kasta wa ini naftis i maalshey dhiiba..viva -d-i mirifla..

  2. Asalaamu Caleekum.

    Waxaan aad ugu farax san nahay sida ay Dadyowga reer Digil iyo Mirifle goáanka ku gaareen, waxaan ka codsanayaa inaan goáankaa laga noqon ee Odaysha iyo wax garadka waad aragteen Mowqifka ay qowmiyada ka taagan yihiin ee inta si hoosaad ah la idin la hadlo aad ka noqotaan, ee Qowmiyada banaan baxa muujiyay iyo qiiradooda in meel looga dhaco ee lacag waa dhamaanee, laga dhimanaa ee beesha mustaqbalkooda yaan lacag lagu doorsan, ee Odayaasha sharaftooda waa la og yahay dadka ay la xaajoonayaan, ee Xildhibaanada hadii aad imaanaysaan Bay iyo Bakool u imaada inaad taagertaan odaysha iyo beesha Goáanadooda, ee ha u imaanina inaad kala hadashaan goáankooda, ee odayaasha sida xeerka dhigaayo hadii lala hadlaayo waa la og yahay xeerka sida uu dhigaayo waa inay isa soo hor fariistaan odayaasha dhigooda ah. waana la ogyahay inaysan odayaashaas soo hor fariisanayn waayo waa og yihiin in aysan dhulkaa laheyn, ee xildhibaanadiina Odayaasha haakal hadlina. waa iga fikrad iyo dardaaran.
    By, Shangamaas

  3. xildhibaanada way soodaahen mar horo ayaalarabey in aykatagaan moqdisho hadana hadii aytagaan baydhowa waan soo dhoweeynaynaa in shaa alah kii kusoo xaro taariikh midoo ayaa kagali doonaa dm waana arkidoontaan

  4. ASc Viva DM isku duubnaada kana hortaga dulmiga gacmihiina ku suuliya dulmiga gacan kale ha sugiina qurba jogta waa iney sameyaan abaabul waana iney shirar qabtaan misna taageeran go anka odayasha sharafta leh isla markasna cambareyan burcada dhul boobka ka wada deeganadda DM

Comments are closed.