Dhegeyso:- Bananbax looga soo horjeedo Heshiiskii Adisababa oo maanta ka socda Magalada Baydhaba

1
34

baydhabo 2 (2)Bananbax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya ayaa saakay ka bilowday degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo waxgarad kasoo jeeda degmadaas ay maalin kahor sheegeen inay xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya.

Bannaan-baxan ayaa waxaa soo abaabulay waxgaradka iyo aqoonyahanno ka tirsan kuwa deegaanka, iyadoo ay ka qaybgalayaan dadweyne fara badan oo isugu jira rag dumar iyo carruur.

Dadweynaha dibad-baxayada ka qayb qaadanaya ayaa waxay ku qaylinayaan erayo ay kaga soo horjeedaan dowladda Soomaaliya, waxaana xubnaha soo qaban qaabiyay dibad-baxyadan ay sheegeen inay ka go’an tahay in iyagu ay ka tashadaan aayahooda.

Heshiiskii ay Arbacadii lasoo dhaafay magaalada Addis Ababa ku saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbooyinka ayaa siyaabo kala duwan looga fal-celiyay, iyadoo shacabka qaarkiis ay soo dhaweeyeen; halka kuwo kalena ay kasoo horjeesteen.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in deegaanno kale oo ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool ay ka socdaan dibadbaxyo midkan la mid ah, iyadoo tani ay ku noqonayso dowladda caqabad kale oo kasoo wajahday gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

 

bananbax

 

baydhabo 2 (1)

baydhabo 2 (2)

baydhabo 3 (2)

baydhabo 4 (1)

Daafeet.Com

1 COMMENT

Comments are closed.