Saraakil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka oo ku sugan Gobolka bakool oo ku hanjabey in alshabab ka saarayaan Gobolka Bakool

0
33

puntaland ciSaraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee Gobalka Bakool ayaa sheegay inay wadaan qorshooyin ku aadan inay la wareegaan deegaano ka tirsan Gobalkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Cali Salaad oo kamid ah Saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee Gobalka Bakool oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in waqtiyada fooda naga soo hayso ay qorsheynayaan la wareegida deegaano dhowr ah oo ay Shabaab Gobalkaasi ka joogaan.

Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda ee Gobalka Bakool ay udiyaarsan yihiin sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al-Shabaabka ku sugan Gobalkaasi.

Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalada dalka ayaa ku hanjaba inay weerarayaan deeganada Al-Shabaab ka joogaan Gobaladaasi ayna kala wareegayaan.