Ciidamada Raskambooni iyo kuwa Amisom oo maanta howlgalo ka sameeyey Kismaanyo

0
47

raskamboniCiidamada dowladda Soomaaliya, kuwa ururka Raaskaambooni iyo ciidamada AMISOM ayaa saaka dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xooggan ka wada deegaanada dhanka waqooyi kaga beegan degmada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada Al-shabaab.

Ciidamo aad u tiro badan islamarkaasina ku qalabeysan hubka noocyadisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayaa la arkayay iyagoo saaka ka dhaqaaqaya fariisimo ay ku lahaayeen duleedka degmada Kismaayo, waxaana la sheegay in ciidamadani ay ku wajahan yihiin deegaanada uu maro webiga Jubba ee waqooyiga gobolka jubada hoose ee loo yaqaan deegaanada gosha oo ay ku xooggan yihiin Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada dowladda ee Jubooyinka Gen. Ismaaciil Saxardiid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay ka dhaqaaqeen saldhigyadii ay ku lahaayeen duleedka Kismaayo, wuxuuna xusay in ay ku wajahanyihiin deegaano ka tirsan gobollada jubada hoose iyo jubada Dhexe oo ay ku suganyihiin Al-shabaab.

Dhinaca kale wararka aynu ka heleyno deegaanada gosha ee ay gacanta ku hayaan Al-shabaab ayaa sheegay in laga dareemayo xiisado dagaal, islamarkaasina dagaalyahannada al-shabaab ay wadaan diyaargarow ay doonayaan in ay kaga hortagaan duulaanka kusoo fool leh.
Daafeet.Com