Gudomiyaha Barlamanka Prof Jawari oo kulan la qaadey qaar ka mid ah Ururada Shaqaalaha

0
36

jawariGudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah ururada shaqaalaha rayidka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeybgalay qaar kamid ah ururada dhanka shaqaalaha qaabilsan kuwaasi oo su’aalo weydiinaye Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Masuuliyiinta ka socday Ururada dhanka shaqaalaha ayaa waxa ay weydiinayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya in Dowlad aysan laheyn xeer uga dagsan shaqaalaha islamarkaana ay arintaasi u baahan yihiin in la sameeyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhankiisa usheegay Ururada shaqaalaha in la sameynayo sharci Dowladda Soomaaliya ay ku dhaqmeyso kaasi oo sahlaya qaabka shaqaalaha ay uqaadanayso Dowladda Soomaaliya.

Daafeet.Com