Ciidan ka socda dalka Ingiriiska oo lagu wado in la geeyo dalka Somaliya

0
27

British_Army_lgBritain ayaa lagu wadaa inay ciidamo u dirto Soomaaliya, wargeyska The Times ee ka soo baxa dalka Britain ayaa sidaas qoray.

Wargeyska oo soo xigtay ilo ku dhow wasaaradda gaashaandhigga Britian ayaa sheegay in koox yar oo la taliyayaal ciidan British ah loo diri doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya qeybta hore ee sanadkan haddii duruufaha ammaanka ay u saamaxaan.

Ilaha laga soo xigtay wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegeen in la taliyayaasha ciidanka ee la geynayo Soomaaliya ay ka howlgeli doonaan waaxda difaaca ee safaaradda, kuwaasoo talooyin iyo tababarro siin doona ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM- balse doorkoodu uusan ahaan doonin inay dagaal galaan.

Britain waxaa haatan Soomaaliya ka jooga ciidan tiro yar oo la sheegay inay AMISOM ka gacan siiyaan qorshaynta, isgaarsiinta iyo taageerada xagga caafimaadka.

Britain waa dowladdii ugu horreysay oo reer galbeed ah oo si rasmi ah u caddeysay inay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Daafeet.Com