Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo ka hadley xukunkii Wariye Koronto

0
29

bankiXoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku biiriyay codkiisa walaaca iyo niyad jabka xukunkii maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay hal sanno oo xariga ah Wariye C/casiis Koronto iyo Haweenay sheegtay inay kufsadeen ciidanka Dowladda Somalia.

“Waxaa ugu baaqayaa dowladda inay ilaaliso kufsiga loo gaysto haweenka islamarkaasna ay si buuxdo u baarto kufsiga iyo tacadiga lagula kaco haweenka oo ay cadaaladda horkeenan ayuu yiri Ban Ki-moon oo war saxaafadeed kasoo saaray arrintaan.

Ban Ki-moon ayaa sheegay in loo baahan yahay inay helaan garsoor iyo cadaalad wanaagsan Wariye C/casiis Koronto iyo Haweenayda sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda Somalia,islamarkaasna garsoorka ay tixgaliyaan xuquuqda racfaanka xukunkaan oo ay ka qaadan karaan Wariye C/casiis Koronto iyo Gabdha dhibanaha ah kuwaas oo min hal sanno lagu kala xukumay.

War saxaafadeedka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa lagu sheegay inay ka digeyso Qaramada midoobay oo ay ku celineyso arrinta la xiriirta kufsiga iyo tacadiga lagula kaco haweenka ku nool kaamamka si dhibanaha ,goob joogaha iyo xubnaha qoyska ay ugu dhiiradaan inay ka hortagaan falalkaas.

Daafeet.Com