Gudomiyaha maxkamada sare Caydiid Ilka Xanaf oo maanta warbaahinta la hadley

0
72

ilka-xanafGuddoomiyaha maxkamada sare ee dalka Soomaaliya Ceydiid Ilka Xanaf oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta maxkamada ayaa wuxuu sheegay in xukunka wariyaha uusan aheyn mid la siyaasadeeyay.

Wuxuu sheegay in xukunka lagu fuliyay wariyaha iyo gabadha labada ay ka qaadan karaan racfaan ku aadan xukunka lagu fuliyay islamarkaana ay u banaan tahay arintaasi.

Wariyeyaasha oo su’aalo weydiiyay Guddoomiyaha Maxkamada intooda badana ku saabsanaa xukunka wariyaha ayaa ka gaabsaday inuu faah-faahin dheeri ah ka bixiyo arintaasi.

Gudoomiyaha hadalkiisa ayaa wuxuu kusoo beegmayaa kolkii shaley ey Maxkamada Gobalka Banaadir xukun ku riday wariye C/casiis iyo sidoo kale Luul Cusmaan oo sheegatay in ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay kufsadeen.

Daafeet.Com