War Deg DEg Ah Qarax goor dhow ka dhacay Magalada Baydhaba

0
25

breaking nQarax xooggan ayaa gudaha magaalada Baydhabo lagula eegtay askar katirsan ciidamada Itoobiya xilli ay marayeen bartamaha magaalada gaar ahaan halka loo yaqaan afar-irdoodka.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa Itoobiya oo doonayay in ay ka dukaameystaan suuqa, waxaana uu khasaarooyin kasoo gaaray askartii qaraxa lala eegtay iyo dadka rayid ah.

Ilaa iyo hada inta la ogyahay waxaa ku dhaawacantey laba askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo todobo qof oo rayid ah, mana jiraan wax dhimasha ah oo ka dhashay qaraxaasi.

Halka qaraxa uu ka dhacay ayaa ahayd goob ganacsi oo aad u mashquul badan, waxaana qaraxa ka dib uu hakad ku yimid dhaq-dhaqaaqii ganacsi ee ka jiray suuqaasi, iyadoona ay durba goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo Itoobiya kuwaasoo goobta ka bilaabay baaritaanno lagu baadigoobayo dadkii qaraxa ka danbeeyay.

Qaraxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili ey magalada ka taagan tahay muran aad u weyn oo ka dhashey maamulka cusub ee loo magacaabey Gobolka Bay ayadoo mamulkii xilka laga qaadey ey si weyn uga soo horjeesteen arintaas ayada ah.

Daafeet.Com