Gudoomiyaha gobolka Bay oo ka horyimid xil ka qaadistii lagu sameeyay

0
34

deeKa dib kolkii Wareegto uu ku saxiixan-yahay Ku-simaha Madaxweynaha JF Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Xilka loogaga qaaday Gudoomiyihii hore ee gobolka Bay Cabdifataax Maxamed Ibraahin Geeseey looguna magacaabay guduumiye cusub ee uu gobolku yeeshay Cabdi Aadan Hoosoow

Wareegtadan ayaa sidoo kale lagu sheegay in mamulkan uu shaqeyn doono muddo lix bilood ah,waxaana arintan ka horyimid Gudoomiyaha Gobolka Bay C/fitaax Geeseey.

Halkan ka dhegayso diidmada Geeseey ee ku aadan xil ka qaadista lagu sameeyay

ka-hor.mp3

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa waxaa loo magacaabay Xasan Macalin Axmed Biikoole halka sidoo kale ku xigeenka Guddoomiyaha dhanka siyaasada iyo ammaanka loo magacaabay Cabdulqaadir Sheekh Cali Aadan ‘’Barako’’ Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada ee Degmada Beydhabo waxaa loo magacaabay Maxamed Macalim Ibraahim ‘’Dhaladheere’’, Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Sandheere Maxamed Iftin, xoghayaha dowlada hoose ee degmada Baydhabo ayaa loo magacaabay Axmed Maadeey Isaaq.