War saxaafadeed kasoo baxay Odey Dhaqameedyada Beelaha Digil iyo MIrifle

0
41

SAM_0835Waxaan anagoo ah odey dhaqameedyada Digil iyo Mirifle ku baaqney in ay Baydhabo taalo gogol looga arinsanayo mustaqbalka lixda gobol ee koofureed ee kala ah; Gedo, Shabeelada Hoose, Bay, Bakool, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose. Gogoshaasi waxaan ku marti qaadney dhamaan dadka dega goboladaasi oo aan midna ka maqneyn.

Waxaan gogoshaasi ku wargeliney dowladda federaalka oo uu u horeeeyo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka, illaa wasiirka arrimaha gudaha oo iyagu taageero buuxda siiyey, warqad dikreeto ahna ka soo saarey. Waxaa Baydhabo yimid hey’adaha ay quseyso gogoshaasi ama ha ahaadeen UN-ka ama ha ahaadeen kuwa dowliga ah.

Wufuudda iska soo dabadhacayay waxaa ugu danbeeyey wefdigii wasaaradaha arimaha gudaha iyo gaashaandhiga, bulshada iyo warfaafinta oo dhamaan u kuur galayey sida ay xaaladda magaalada gogosha la dhigey tahay, taageero buuxdana siiyey.

Waxaan mar labaad iyo seddexaad u sheegeynaa dhamaan dadka ay quseyso gogoshan in dadka keliya ee lagala xiriiri karo ay yihiin odey dhaqameedyada Digil iyo Mirifle oo iyagu gogosha dhigey, iyo guddiga farsamada ee loo magacaabey inay agaasimaan howshan magacyadoodana mar hore la baahiyey dhamaan hey’adaha ay quseysana lagu war geliyey.

Lama ogolaan doono in si nidaam daro ah cid waliba ay halka ay joogto wixii ay doonto ka sheegaan. Cid waliba oo gogshan Soomaaliyeed ee la isugu keenayo walaalaha shanta beelood ee Soomaaliyeed  dhibaatada iyo qabyaaladda kala qoqobtey taageeraya oo xoojinaya lama diiddana, laakiin wax waliba nidaam ayey leeyihiin loo raaco, wixii aan nidaam laheyna waxay ku dhamaadaan sidii ay ku bilowdaan. sidaa darteed, waxaan ugu baaqeynaa in sida nidaamka uu u degsan yahay loo raaco.

Gogoshaasi Baydhabo ayaa la dhigey, Baydhabo ayaa lagala soo xiriirayaa. Dadka laga soo xiriirayana waa dad loo igmadey, wixii intaasi dheer waa isku day fashilaada, loomana dulqaadan doono in mar waliba oo umadda la samata bixinayo qolooyin isu baheystaan inay wax fashiliyaan.

Waxaan caddeyneynaa inuusan jirin cid ama koox loo wakiishey inay gorgortan siyaasadeed la galaan beelaha kale iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada lixda ah ee gogosha loo dhigey. Wixii go’aano ah waxay ka soo baxayaan gogosha wada tashiga ee la dhigey Baydhabo.

Soomaalida iyo beesha caalamkana waxaan ugu baaqeynaa in ciddii wax fashilinaysa ka feejig-naadaan kana hortagaan.

Wabilaahi Towfiiq.

Guddoomiya Golaha Malaaqyada iyo salaadiinta Digil iyo Mirifle

Suldaan Warsame Suldaan Aliyow Ibrow

+252-618881684

Afhayeenka Golaha Malaaqyada iyo Salaadiinta Digil iyo Mirifle

Malaq Maxamed Yacquub Sh. Deerow

+252-615571727

Daafeet.Com