Saraakiil ka Socday Midowga Africa oo Maanta soo Gaaray Magaalada Baydhabo (Sawirro)

0
31

bay2Waxaa maanta magaalada Baydhabo soo gaaray Saraakiil kasocota Xafiiska Siyaasada Midowga Africa waxana kulan ay laqaateen mas’uuliyinta Maamulka Gobolka, kan Degmada Baydhabo, Odeyaasha Dhaqanka iyo Gudiga Farsamada.

Ugu horeyn Mas’ulka Hogaaminaayey Wafdigaan ayaa kawar bixiyey Ujeedkooda ku aadan imatanka magaalada Baydhabo waxana uu sheegay inay xoojinayaan Xaqiijinta Amaanka Ciidamada Midowga Africa ee kusagan Gobolka Baay iyo Taageerida Gogosha Nabadeed oo ay dhigeen odayaasha dhaqanka Digil iyo Mirifle, tasoo lagu casuumay  beelaha wada dega Lixda Gobol ee Koonfurta Soomaliya.

Mas’uulka ayaa sidoo kale sheegay in odayasha dhaqanka ay horyaalaan howlo adag balse loo baahanyahay in ay u tafxiitaan adkeynta Dadaalada Nabaded oo ay kawadaan Dalka Soomaliya Suldaan warsame Suldaan Ibrow aya sheegay in Digil iyo Mirifle ay yihiin kuwo eebe kumanaystay lix gobol oo ugu kheyraadka badan ayagoona tixgelinaya walaalaha la degan.

Waxa kaloo madasha shirka ka hadlay Malaaq Yacquub Deerow oo sheegay in Ciidamada AMISOM looga baahanyahay in ay furaan wadada xariirisa Muqdisho iyo Baydhabo asagoona sidoo kale ka dalbaday in beesha caalamka ay Taagerto dadaalada iyo Maskaxda odeyaasha dhaqanka Digil iyo Mirifle ay isugu geeyen dhismaha dowlad goboleedka Lixda Gobol ee koonfurta Soomaliya.

bay1baybay5Daafeet.com