Gudomiyaha Gobolka Bay oo lagu wado in xilka laga qaado

0
54

geshowWarar lagu Kalsoonaan Karo oo naga soo gaaray magaalo madaxda gobolada Koonfurta Soomaaliya ee Baydhabo ayaa Sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Baay C/fitaax Ibraahim Geesey lagu Wada in lagu badalo Aqoonyahan Cabdi Aadam Hoosow.

Sida Sarkaal ka tirsan Saraakiisha gobolka Baay u Xaqiijiyay Shabakada Ishabaydhaba.com Odayaasha Dhaqanka D&M iyo Wasiirka arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa qalinka kuwada Duugay Warqadii xilka looga qaadi lahaa Mr. C/fitaax Ibraahim Geesey walow Mr. Geesey la sheegay in uusan ku qanacsanayn xilka qaadistaa lagu sameeynayo, Waa sida wararka nagusoo gaarayaan.

Wararka nasoo gaaraya waxay intaas ku darayaan in Mas’uuliyiinta Degmada Baydhabo, Saraakiisha iyo Ururada Bulshada gobolka Baay ay si aan ganbad la hayn uga soo horjeesteen C/fitaax Ibraahim Geesey.

Si Kastaba Saacadaha nasoo aadan ayaaa la filayaa in si rasmi ah loo shaaciyo Xilka qaadista Gudoomiyaha gobolka Baay C/fitaax Ibraahim Geesey si rasmi ahna loogu magacaabo Mas’uulka Cusub ee Gobolka Mudane Cabdi Aadam Hoosow oo ah Aqoonyahan ka yimid Boqortooyada Dalka Ingiriiska, muda dheerna ku mashquulsanaa abaabulka dowlad goboleedka Koonfurta Soomaaliy.

Daafeet.Com