Biyo la'aan daran oo ka taagan tuulooyin hoostaga degmada Garbahaareey

0
42

Biyo la’aan aad u daran oo saameyn ku yeelatey nolosha dadka iyo duunyada ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ka taagan tahay tuullooyin ka tirsan  degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo,iyadoo Biyo la’aantaasina la sheegayo in haatan ay gaarsiisan tahay heerkii  ugu adkaa.

 

Tuullooyinka ugu daran ee Biyo la,aantu ay sida daran u saameysay ayaa waxaa ka mid ah Daabley,Godey,Caano maal,Reysqode,Qadiidaa,Buraa iyo qaar kale kuwaasoo dhowr xilli roobab oo is xigay aanan helin roob lagu diirsaday, waxayna taasi keentay in ay todobabyadii ugu dambeeyey ay ka guraan tuullooyinkaasi wariha ,Togagii iyo ceelasha ay dadka biyaha ka heli jireen,iyadoo dadkii Xoolaleydana la sheegayo in ay u hayaameen deegaano kale.

Garbahaarey,wadjir (4)

 

Daafeet.Com