Dhegayso" Wafdi Wasiiro ah oo uu horkacayo Wasiirka Gaashaandhiga oo maanta ka degey magaalada Baydhabo

0
54

fiqiWafdi heer Wasiiro ah oo uu horkacayo Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiim Xaaji Maxmuud Fiqi ayaa maanta barqanimadii waxa ay ka dageen magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiinta dowladda ee gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo.
Wafdigan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdikarim Xuseen Guuleed iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa ujeedka safarkooda lagu sheegay in ay u kuur galayaan xaaladaha ka jira deegaanada iyo degmooyin ay dowlada ka maamusho gobolka Bay ee Koofur Galbeeda Soomaaliya isla markaana ay bilaabi doonaan dhismaha maamulka ee heer degmo.
Korneel Mahad Cabdiraxamaan Taliyaha Ciidamada booliska gobolka Bay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wafdiga uu soo gaaray Magaalada Baydhabo islamarkaan ay soconayaan kulamo ay la qaadanayaan saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, maamulka gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolkaasi.

Halkan ka dhegayso Khudbadii wasiirada Gaashaandhiga iyo kan  Arimaha Gudaha