Wasiirka wasarada maliyada oo ka hadley hoos u dhaca ku yimid sarifka

0
35

sulaymaanWasiirka Maaliyada iyo qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Suleymaan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hoos u dhaca sarifka ku yimid ay aad uga xun yihiin.

Wuxuu sheegay in sababaha keenay isbedelka sarifka suuqyada Magaalada Muqdisho ay tahay in lacagtii shilinka aheyd ay yaraatay isaga oo sheegay inay sameynayaan waxa ay ka qabaan karaan.

Wasiirka maaliyada ayaa sheegay inay sameyn doonaan daraasad ku aadan soo gelinta lacago cusub oo ay Dowladda keento si wax looga qabto sarifka suuqyada Muqdisho isbedbedelkiisa.

Si kastaba arintu ha ahaatee sarifka lacagaha ee magalada muqdisho ayaa mid mid ey gacanta ku hayaan kooxo yar oo aan u tureynin shacabka ku dhaqan dalka, sidaaas daraadeed dowlada ayaa looga bahan yahay in ey xooga saarto sidii ay suuqa uga dhigi laheyd mid degan oo aan shacabka lagu dhibaateynen..

Daafeet.Com