Maamulka degmada Jowhar oo oo ka hadley amaanka degmada

0
39

jowharAfhayeenka maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro ayaa sheegay in ammaanka Magaalada Jowhar ay ku dadaaleen taasina ay suurageliyeen ciidamada xooga dalka Soomaaliyed.

Wuxuu sheegay in shacabka Degmada Jowhar iyo sidoo kale ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ay iska kaashadeen sugidda dhanka ammaanka Degmadaasi.

Shacabka ayuu sheegay inay ciidanka kusoo wargeliyaan hadii ay arkaan waxyaabo dhanka ammaanka qatar ku keeni karo taasi oo uu ku tilmaamay mid wada shaqeyn fiican ay shacabka la leeyihiin.

Jowhar oo iminka xaalkeeda uu yahay mid wanaagsan ayaa xilliyada qaar waxaa ka dhaca falal lidi ku ah dhanka ammaanka Degmadaasi.

Daafeet.Com