Bucad Badeed Somali ah oo la filayo in maanta lagu maxkamadeeyo Dalka Mauritania

0
38

pir12 ruux oo burcad badeed Soomaaili ah ayaa maanta la filayaa in maxkamadooda ka bilaabato Magaalada Port-Louis ee dalka Mauritius, halkaasi oo la sheegay in lagu dhagaysan doono dacwadaha loo heysto ka dibna go’aan laga qaadan doono.

Kooxahaan burcad badeeda Soomaalida ee maanta maxkamada lagu soo taagayo dalka Mauritius ayaa waxaa qabtay ciidamada Maraykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya 5 tii bishaan aynu ku jirno ee janaayo.

Wasiirka arimaha dibada ee dalka Mauritius Arvin Boolell,ayaa u sheegay warbaahinta in dalkiisa uu qaadayo kooxdii ugu horeysay oo burcad badeeda ah dacwadooda.

Wuxuu sheega inuu aad ugu faraxsan yahay in hayadaha caalamiga ee la dagaalama kooxaha burcad badeeda Soomaalida isagoo sheegay in dowladiisa ay ku dadaali doonto ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah burcad badeeda.

Wasiirka arimaha dibada ee dalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in kooxahaani markii la maxkamadeeyo kadib ay ku wareejin doonan maamulka Somaliland si halkasi ugu dhameystaan waqtigooda.

Daafeet.Com