Afhayeenka Ciidamada Kenya Col Cyrus Oguna oo sheegey ineysan wadahadal la galeyn Alshabab

0
37

ogunaDowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in aysan wax wada-hadal ah kala galeyn Al-Shabaab la-heystayaal u dhashay dalkeeda oo ay kooxdu ku hanjabtay in ay dili doonto.

Afhayeenka ciidanka Kenya Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in aysan dowladdu wada-xaajood la geli karin argagixiso, isagoo ku eedeeyay Al-Shabaab in ay sameynayso falal dambiyeedyo sharci kasta ciqaab ku ah.

Muuqaal video ah oo ay Al-Shabaab soo saartay ayaa muujiyay la-heystayaal dowladda Kenya ka codsanaya in laga qeybqaato sii-deyntooda, wuxuuna Oguna ku tilmaamay in aysan maxaabiistaas aheyn kuwa dagaal, sidaa daraadeed Al-Shabaab laga doonayo in ay siideyso.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay dili doonto la-haysteyaasha u dhashay dalka Kenya haddii dowladda Kenya aanay sii deyn dhammaan maxaabiista ku xiran xabsiyada dalka Kenya ee lala xiriirinayo argagaxisannimada.

Daafeet.Com