Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo dalka dib ugu so laabtey

0
38

xasanMadaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay aroortii hore kusoo laabtay Muqdisho, kaddib booqasho qaaday in ka badan hal toddobaad oo uu ku tagay Mareykanka iyo Sucuudi Carabiya.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha xubno ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka, balse ma jirto wax war ah oo ay siiyeen saxaafadda.

Xasan Sheekh ayaa dalka Mareykanka kula kumay madaxweynaha dalkaas iyo xoghayaha arrimaha dibadda, iyadoo mas’uuliyiin dalka Mareykanka ay isla xilligaas ku dhawaaqeen inay aqoonsadeen dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa wuxuu kula kulmay magaalooyinka Washington iyo Minneapolis jaaliyadaha Soomaalida, isagoo sharraxaad ka siiyay xaaladda uu dalk ku sugan yahay, wixii u qabsoomay iyo howlaha horyaalla.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gaaray toddobaadkan magaalada Riyaad ee dalka Saudi Arabia, halkaasoo uu uga qaybgalay shir looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada dalalka Carabta.

Daafeet.Com